Allbanaadir.com
NEWS

Somalia oo ka qeyb qaadaneysa dib u dhiska ciidanka dalka..

Soomaaliya ayaa kaalin muuqata ka ciyaaraysa dib u dhiska ciidanka Milatariga Suudaan ee dagaalka kula jira kooxda RSF ee Imaaraadku taageero.

Doorka Soomaaliya, wuxuu noqon karaa inay bixiso xeryo lagu tababaro ciidanka Suudaan, sababtoo ah Turkiga ayaa hadda u soo banbaxay inay taageerro militari siin doonaan ciidanka Suudaan, markaana saldhigga TurkSom ee ku yaalla caasimadda Muqdisho , wuxuu noqon karaa goob muhiim ah oo lagu tababaro militariga Suudaan.

Soomaaliya ayaa qaadatay martigalinta ciidanka Suudaan oo lagu tababari doono xerada TurkSom ee magaaladda Muqdisho.

Qorshahaan ayaa waxaa si wadajir ah iskaga kaashanaya dowladaha Soomaaliya, Turkey, Masar iyo Eritrea si kor loogu qaado horumarka ciidanka Suudaan ka samaynayaan dagaalka.

Suudaan ayaa Soomaaliya u aragta wadanka ugu daacadsan wadamada Urur goboleedka IGAD waxa ayna sheegtay in ay ku kalsoontahay Soomaaliya oo kaliya markii IGAD dalbatay in ay dhex dhexaadin ka dhex bilowdo labada General.

Talaabadan ayaa timid kaddib markii kulan heer wasiir arrimo dibadeed oo shalay ka dhacay magaalada Qaahira ee xarunta dalka Masar laga soo saaray in dalalka Masar, Eritrea iyo Soomaaliya ay siin doonaan tababaro  ciidamada qalabka sida ee Suudaan si ay ula dagaallamaan RSF.

Related posts

Muxuu Rooble kala hadlay Odayaasha Dhaqanka & Guddiga doorashada Banaadiriga?

Caydiid Ali

Puntland oo Joojisay Nidaamkii Furdooyinka Soomaaliya mid cusubna sameesatay

Cabdi Cade

Yahya Sinwar oo loo doortay hogaanka Siyaasada Xamaas 

Caydiid Ali
Taboola Ads ---