Itoobiya oo isku arkaysay Awooda geeska Africa ayaa 1dii January 2024, ku dhawaaqday inay heshiis la gashay Muuse Biixi, kaasoo ogolaanayay in ay qaadato qayb ka mid ah biyaha Soomaaliya. Saacado ka dhib Madaxweyne Xasan Sheekh oo iskugu yeeray labada aqal ee Baarlamaanka ayaa cadeeyay in uusan ka tanaasuli doonin taako ka mid ah biyaha Soomaaliya.
Maalmo hadalo kulul iyo dagaal diblumaasiyadeed lagalay ka dib Soomaaliya ayaa taageero ka heshay inta badan wadamada aduunka oo cambaareeyay talaabada Itoobiya: Qaramada Midooby, Midowga Yurub, Ururka Iskaashiga Islaamka, Jaamacada Carabta, Midowga Africa, Maraykanka iyo Ingiriis ayaa si cad u sheegay in ay diidanyihiin talaabada Abiy Ahmed u qaaday biyaha Soomaaliya.
Soomaaliya ayaa dhistay Isbahaysi adag oo ka kooban Eritrea, Masar iyo Soomaaliya kaasoo loo arkay go’doon siyaasadeed oo la galiyay Itoobiya.
Soomaaliya ayaa Masar iyo Turkey lagashay heshiisyo difaac oo kor loogu qaadayo dhismaha ciidanka Qaranka.
Sidee ayuu ku dhamaaday khilaafka Maxaase laga bartay?
– In meesha laga saaray heshiiskii beenaadkii Abiy iyo Muuse Biixi.
– In Itoobiya u dacwooto, Kenya, Turkey iyo Qadar dalbatana in Soomaaliya lala heshiisiiyo.
– Markii ugu horaysay oo Safiirka Itoobiya laga cayriyo Soomaaliya.
– Ciidanka Itoobiya oo loo sheego in dalka laga saarayo.
– In qabkii iyo awoodii ay Itoobiya is badaysay ku soo dhamaaday in ay dalbato in lala heshiisiiyo Soomaaliya.
– In dalka loo sameeyay hal albaab oo Itoobiya ka soo gali karto kana bixi karto. Yacnii luuqyadii Maamulada waa la soo xiray.
Maxaa faa’iido ah?
In la jabiyay Qabkii Itoobiya ayna barato in DFS kaliya haa iyo maya dhihi karto.
In Soomaaliya yeelatay saaxiibo cusub baratayna wadan kaste meesha uu u joogo.
In ciidankii Itoobiya kumanaanka ahaa laga soo reebayo tiro yar lana gaynayo goobo dowladu u qorshaysay.
In meesha laga saaro Albaabadii Itoobiya ka soo gali jirtay Soomaaliya.
Heshiiska ka dib.
Labada wadan ayaa ku heshiiyay in wadanba midka kale ixtiraamo lagana fogaato tilaabo kaste oo xasilooni daro siyaasadeed abuuri karta taasoo ka dhigan in Itoobiya aysan ka hadli karin wadanka Soomaaliya heshiis lagalayso iyo midka ay la dagaalayso.
Maadaamo Soomaaliya wali ka soo kabanayso burbur aysan diyaar u ahayn dagaalka Itoobiya xalna laga gaaro khilaafkii hore.
Dhanka kale In Cadaawada lasoo afjaro keliya Soomaaliya faa’iido uma lahan ee si shaqsi ah ayay Madaxweyne Xasan Shiikh dan ugu jirtaa inuu Nopel Peace Prize ugu guuleysto.
Mala Aamini karaa Itoobiya?
Itoobiya waxa ay taariikhiyan u leheed siyaasad qalafsan oo ku wajahan Soomaaliya, waxaana laga maarmaan ah in xukumada hada jirta aysan si kadis ah u aamin Itoobiya iyada la eegayo danaha Soomaaliya ugu jira heshiiska.
Iyadoo la fiirinayo cashirada laga bartay xiisadii Soomaaliya iyo Itoobiya waxaa la gudboon madaxda DFS in ay diirada saaraan isku soo dhawaynta bulshada Soomaaliya meeshana laga saaro khilaafka Soomaalida dhexdeeda ah si ay u yaraato daldaloolada uu cadowga ka faaiideysan karo
HASSAN NOOR