Allbanaadir.com
NEWS

Maxaa ka soo kordhay dabka ka holcaya Los Angeles? (Sawirro)

Mareykanka, wuxuu wali la tacaalayaa dabka qabsaday magaalada Los Angeles ee gobolka California, iyadoo sare loo qaaday kooxaha dab-damiska iyo gurmadka deg deg ah, sabab la xiriirta cabsi laga qabo dabaylo horleh oo ku dhufan kara Los Angeles.

Illaa hadda Mexico, ayaa ah dalka ugu badan ee gurmadka u fidanaya Mareykanka , halka Canada ay ka qeyb qaadanayso dadaallada lagu daminayo dabka wali holcaya.

khasaaraha la soo gudbiyay illaa hadda ayaa kala ah

  • 16 qof dhimashadooda ayaa la xaqiijiyay.
  • In ka badan 12,300 oo dhisme ayuu dabku si dhammmaystiran u burburiyay.
  • In ka badan 166 kun oo qof ayaa ku barakacay.
  • Ku dhawaad ​​38 kun oo hektar dhul gaaraya ayaa gubtay
  • Ilaa hadda, khasaaraha maaliyadeed wuxuu gaaray $150 bilyan

Maraykanka, ma jiro wax la yiraahdo dawlad magdhow siinaysa muwaadiniinta dhismaha ay ka gubteen.  Haddii aad leedahay caymis gaar ah, waxaad ka heli doontaa magdhow shirkadda caymiska inta shirkadu qaadi karto

Bankiga maalgelinta ee  JP Morgan, wuxuu xaqiijiyay shirkadaha caymisku inay kaliya awoodaan  inay daboolaan ugu badnaan $20 bilyan oo magdhow ah , ha iloobin khasaaraha wuxuu ku dhawaan karaa labo boqol oo bilyan! Xaaladdu waa in dadka ay guryaha ka burbureen ay dhab ahaantii tahay inay iyagu is bixiyaan oo guryahooda dib u dhistaan ama ku jiraan xaaladda barakaca ah..

HOOS KA DAAWO SAWIRADA

Related posts

Siyaasi hore & walaalkiis oo toos loo toogtay iyagoo shir jaraa’id ka hadlaya (Sawirro)

Caydiid Ali

Deni: “Xamar amni iyo Nadaafad midna kama jiro, Farmaajo keligiisna eeda malaha” (Daawo)

Caydiid Ali

Wasiir Aadan Ducaale oo difaacay Ninkii Soomaaliga ee Bistoolada isku difaacay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---