Allbanaadir.com
NEWS

Ukraine oo dagaalka ku qabatay ciidan ka tirsan W/Kuuriya (Sawirro)

Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelenskiy ayaa Sabtidii sheegay in laba askari oo ka tirsan Kuuriyada Waqooyi ay ku qabteen gobolka Kursk ee Ruushka. Waa markii ugu horreysay oo Ukraine ay shaaciso qabashada askarta Kuuriyada Waqooyi oo nool tan iyo markii ay galeen dagaalka dayrtii hore.

Ciidamada Kuuriyada Waqooyi ayaa galay dagaalka dhanka Ruushka bishii October, sida laga soo xigtay Kyiv iyo xulafadeeda reer galbeedka, kuwaas oo markii hore tiradooda ku qiyaasay 10,000 ama ka badan.

Qoraal uu soo dhigay X, Zelenskiy wuxuu ku sheegay in askarta la keenay Kyiv ayna la hadlayaan Adeegga Amniga Ukraine (SBU), oo ah hay’adda sirdoonka gudaha ee dalkaas.

“Si la mid ah dhammaan maxaabiista dagaalka, labadan askari ee Kuuriyada Waqooyi waxay helayaan gargaarka caafimaad ee lagama maarmaanka ah,” ayuu yiri Zelenskiy. Waxa uu sheegay in saxafiyiinta la siin doono fursad ay kula hadlaan.

Kyiv ayaa sheegtay in ciidamada Kuuriyada Waqooyi ay ka dagaalamayaan gobolka Kursk, halkaasi oo Ukraine ay duulaan ku qaaday bishii August. Kyiv ayaa sheegtay in ay wali gacanta ku hayso dhul gaaraya dhowr boqol oo kiilo mitir oo isku wareeg ah oo halkaas ah.

Pyongyang ayaa sidoo kale Ruushka siinaysay tiro madaafiic ah, sida ay sheegeen Kyiv iyo xulafadeeda reer galbeedka.

Ruushka ma xaqiijin mana beenin joogitaanka ciidamada Kuuriyada Waqooyi ee Kursk, mana jirto wax falcelin ah oo ka yimid Moscow iyo Pyongyang oo ku saabsan warbixintii ugu dambeysay.

Ukraine ayaa horay u sheegtay in ay dagaalka ku qabsatay askar ka tirsan Kuuriyada Waqooyi, balse ay si xun u dhaawacmeen wax yar kadibna ay dhinteen.

Zelenskiy ayaa muuqaal ku sheegay in askarta ay qabteen ciidamada gaarka ah ee Ukraine.

Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ayaa soo bandhigay muuqaal laga soo duubay diyaarad nooca aan duuliyaha lahayn ee Drones-ka oo ay ku sheegeen in ay muujinayaan qeyb ka mid ah howlgalka.

Muuqaalka ayaa muujiyey shan nin oo xiran dharka cowska u eg oo ku sugan meel kayn ah, in kasta oo tafaasiisha kale ay adkeyd in la qiimeeyo. Muuqaal ay soo bandhigeen sirdoonka SBU ayaa u muuqday mid muujinaya labada nin ee la qabtay.

Dhaqtar lagu wareystay muuqaalka SBU, oo aan magaciisa la sheegin, wajigiisana la qariyey, ayaa sheegay in mid ka mid ah askarta uu dhaawac ka soo gaaray wajiga, isla markaana uu daweyn doono dhakhtarka ilkaha, halka askariga kale uu dhaawac ka soo gaaray lugta hoose.

SBU waxa ay sheegtay in askarta Kuuriyada Waqooyi loo gudbiyay Kyiv si su’aalo loo weydiiyo, sababta oo ah ma aysan ku hadli karin afka Ukraine, Ruushka iyo Ingriiska, islamarkaana su’aalo weydiintooda lagu sameynayo luqadda Kuuriya iyadoo ay gacan ka geysaneyso hay’adda sirdoonka Kuuriyada Koonfureed ee NIS.

Related posts

Ciidanka Kumaandooska Danab ee Puntland oo beeniyay War laga faafiyay

Cabdi Cade

(Akhriso) Lix su’aalood oo ka dhashay fadeexada soo wajahday Shaqaalaha rayidka ah ee DF

Caydiid Ali

Maxaa ka jira in Xassan Shiikh uu Abiy kula kulmayo Turkiga?

Caydiid Ali
Taboola Ads ---