Allbanaadir.com
NEWS

Talyaaniga oo laga codsaday in dhismooyinka ay ku leeyihiin Muqdisho dhistaan

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Mudane Maxamed Axmed Amiir, ayaa aqalka dowladda hoose ee Xamar ku qaabilay Danjiraha dawladda Talyaaniga u fadhiya Soomaaliya Amb. Pier Mario Daccò Coppi.

Duqa magaalada Muqdisho iyo Danjiraha dowladda Mareykanka, ayaa kulanka ay yeesheen waxa ay kaga wada hadleeb xoojinta xiriirka labada dhinac iyo iskaashi ku dhisan wax wada qabsi oo dhex mara labada dhinac.

Guddoomiye Amiir , ayaa  ka mahadceliyay doorka dowladda Talyaaniga ee garab istaaga Soomaaliya, taasi oo ku dhisan xiriir soo jireen oo aad u fog, iyadoona sidoo kale labada dhinac ay ka wada hadleen isku xirka dowladdaha Hoose ee Talyaaniga iyo Muqdisho, hirgelinta mashaariicyo horumarineed oo wax tar u leh dhalinyarada .

Ugu dambeyn guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa ka codsaday Daniraha dowladda Talyaaniga in dowladiisa ka qeyb qaadato dib-u-dhiska dhismooyinka ay ku leeyihiin magaalada Muqdisho, taasi oo qeyb ka ah qorshaha horumarka iyo bilicda Caasimadda.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Weerar Toorey oo ka dhacay duleedka Tel aviv (Sawirro)

Caydiid Ali

Xuseen Max’ed Nuur oo kulan muhiim ah la qaatay qeybaha bulshada G/Banaadir (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Daawo Sawirada: Isbitaalka Baladweyne oo ku dhaw in uu xirmo kadib markii biyo badan galeen

Cabdi Cade
Taboola Ads ---