Allbanaadir.com
NEWS

Xilliga lasoo gabagabeynayo sahminta shidaalka Soomaaliya oo la shaaciyay

Guddoomiyaha Hay’adda Batroolka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Aadan,  ayaa sheegay kama dambeys lasoo gabagabeynayo sahminta shidaalka Soomaaliya ee uu haatan wado dalka Turkiga bisha April ee sanadkaan 2025, si loo ogaado goobta rasmiga ah ee shidaalka laga qodayo.

Cabdulqaadir Maxamed, ayaa sidoo kale tilmaamay in hadda ay soconayaa dadaalo badan, loona baahan yahay in la sameeyo taxadar si aan loo qodin goob aan aheyn goobta shidaalka laga helay. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in maraakiibta howlgalka wada ay abaari doonaan aagga degmada Hobyo ee gobolka Mudug ee dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug.

“Sida aan isku afgaranay Turkida sahminta wada, hadii uusan caqabado imaanin, waxaan dejinay qorshaha ah inaan April soo gaba gabeyno, waxaana qorshaha yahay in maraakiibta ay u jiheeystaan dhinaca xeebaha Hobyo, waa inaan ogaanaa in dabayaqaada bisha inaan ogaano meesha saxda ah ee la qodaayo shidaalka” ayuu yiri Guddoomiye Hay’adda Batroolka Soomaaliya

Sidoo kale guddoomiyaha Hay’adda Batroolka Soomaaliya ayaa sheegay in marka ay soo dhammaato howsha sahminta, lagu dhaqaaqi doono qodista shidaalka, sida ay qorsheyneyso dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Badda Soomaaliya ayaa waxaa ku yaalla in ka badan 200 xirmo oo la rumeysan yahay inuu shidaal ka buuxo, balse aan illaa hadda lagu sameyn sahmin sababo la xiriira walaaca dhanka ammaanka iyo khilaafaadka ka jira dalka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Daawo:-Somaliland oo jawaab kulul ka bixisay hadalkii ka soo yeeray Madaxweyne Farmaajo(Sool & Sanaag)

Caydiid Ali

Shaqo joojin lagu sameeyey mid ka mid ah gudoomiyeyaasha degmooyinka Muqdisho

Caydiid Ali

Baarlamanka federaalka Itoobiya oo Maamul cusub u magacaabay gobolka Tigray

Caydiid Ali
Taboola Ads ---