Ciidanka xoogga dalka Soomaaliya ee ku sugan magaalada Baladweyne ee caasimadda gobolka Hiiraan, ayaa maanta ku guuleestay in ay furaan waddooyin muhiim ah oo kuyaalla magaaladaasi, kuwaa oo muddooyinkii lasoo dhaafay u xirnaa shaqaaqooyin horey uga dhacay magaaladaasi.
Taliyaha guutada 5-aad qeybta 27-aad ee CXD Col. Maxamuud Xasan Ibraahim (Baakaay), ayaa hoggaaminayay ciidamada milatariga ee howlgalka waddo furista iyo sugidda amniga maanta ka bilowday magaalada Beledweyne.
Masuuliyiinta dowladda ee ku sugan magaalada Baladweyne iyo odayaasha dhaqanka magaaladaasi, ayaana ka shaqeeyay sidii loo furi lahaa waddooyinka magaalada dhax mara ee u xirmay shaqaaqooyin horey uga dhacay magaaladaasi.
Shacabka ku dhaqan magaalada Baladweyne, ayaa soo dhaweeyay si weyna uga farxay waddooyinkan magaalada kuyaalla ee la furay, shacabka ayaana horey dhibaatooyin badan ugu qabay xirnaashaha waddooyinkan magaalada isku socodkooda muhiimka u ahaa.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com