Ciidamada ammaanka dowladda Suuriya, ayaa la sheegay in ay kahor tageen weerar ay kooxda Daacish qorsheeyeen in ay ku qaadaan macbad ay leeyihiin Shiicada dalka Suuriya oo kuyaalla duleedka magaalada Dimishiq ee caasimadda Suuriya.
Wakaaladda wararka dowladda Suurina ee Sana , ayaa baahisay in ciidamada ammaanka heleen xogta weerar rag hubeysan qorsheenayeen in ay ka fuliyaan macbadka Shiicada leeyihiin, waxa ayna ciidamada qaadeen tallaabooyin deg deg ah oo looga hortagayay weerarkaasi.
Ciidamada ammaanka Suuriya ayaana fashiliyay weerarka ay qorsheeyaan xubnahan katirsanaa kooxda Daacish, waxa ayna ciidamada duleedka magaalada Dimishiq kasoo qab qabteen afar nin hubeysan oo qorsheenayay fulinta weerarka macbadka lagu qaado.
Wasaaradda Arrimaha Gudaha Suuriya, ayaa soo bandhigtay sawirrada afar nin oo ay ku sheegtay inay ka tirsan yihiin kooxda Daacish, waxa ay sidoo kale soo bandhigeen  sawirada qalab la sheegay in lagu soo qabtay eedeysanayaasha oo ay ku jiraan teleefono, labo qori, 3 walxaha qarxa iyo dhowr bam gacmeed.
Ciidamada ammaanka dowladda cusub ee Suuriya ayaa feejignaan dheeri ah uga jira weeraro ay geestaan kooxda Daacish oo kasoo horjeeda nidaamka la wareegay talada Suuriya, waxaana la kordhiyay ilaalada goobaha suurta galka ah ee la weerari karo.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com