Allbanaadir.com
NEWS

Milatariga dalka Sudan oo gudaha u galay magaalada Wad Madani

Milatariga Sudan ayaa Sabtidi shalay sheegay in ay gudaha u galeen magaalada Wad Madani ee bartamaha Sudan, isla markaana ay qarka u saaran yihiin in ay bannaanka uga saaraan xooggaga RSF.

Qabsashada Wad Madani ayaa ciidamada qalabka sida ee Sudan uga dhiganaan doonta, tallaabo weyn oo ay horay ugu qaadeen dagaalka ay uga soo horjeedaan fallaagada, iyo magaaladi ugu weyneyd ee ay dib u qabsadaan ku dhawaad labada sano ee uu socda dagaalka sokeeye ee Sudan.

Ciidamada ayaa faafiyay muuqaal tusinaya milatariga oo ku jira gudaha magaaladan oo ah caasimadda gobolka caanka ku ah beeraha iyo ganacsiga ee Al Jaziira. Gobolkan ayaa waxaa heystay RSF tan iyo bishi December ee sannadki 2023.

Dib u qabshada magaalada Wad Madani ayaa lagaa yaabaa in ay baddasho jihada uu ku socday dagaalk Sudan. Dagaalka oo ku billowday khilaaf ka dhashay isku dhafka malleeshiyada RSF iyo ciidamada millatariga ayaa bilowday bishi April ee sannadki 2023-ki.

Tan iyo markaas ayaa la xaqiijiyay in ay ku barakaceen in ka badan 12 milyan oo ruux, kumannaan ayaa la rumeysan yahay in ay ku dhinteen colaadda, halka kala bar shacabka ay wajahayaan gaajo.

Related posts

Akhriso Caqabadaha ka dhalan kara Jahwareerka Siyaasadeed ee ka dhashay Mooshinka Jawaari

Cabdi Cade

Ma dhab baa inuu xiriir ka dhexeeyo Kansarka naasaha iyo dawooyinka la isku qurxiyo?

Caydiid Ali

Qarax dad badan ku dhinteen oo saakay ka dhacay Duleedka Muqdisho

Cabdi Cade
Taboola Ads ---