Allbanaadir.com
NEWS

Duqeymo culus oo caawa ka socda buuralayda Gobolka bari

Dagaalo qaraar ayaa caawa ka socda degaano ka tirsan buuraleyda gobolka Bari kuwaasoo u dhexeeya ciidamada Puntland iyo kuwa Daacish ee aagagaas salshigyada ku leh.

Dagaalkan ayaa qeyb ka ah duulaan balaaran oo ciidamada Puntland doonaya iney ku soo afjaraan xoogaga Daacish ee muddo sanadao ah halkaas dagaalo ka waday.

Dayuurado aan duuliyaha laheyn ee Mareykanka oo dusha ka taageeraya ciidamada Puntland ayaa sidoo kale duqeymo ka geysanaya dhulka buuraleyda ah, iyadoo la maqlayo qaraxyo waaweyn oo rasaas xoogan oo aagagaas ka dhacaya.

Howlgalka Ciribtirka Daacish ayay guulo muhiim ah ka gaartay Puntland, waxaana ilaa hadda gacantooda laga saaray Talisyadii ugu muhiimsanaa, keydkii Raashinka ee kooxdan ayaa lasoo bandhigay oo ay yaalan nooc kasta oo Raashin ah kaasoo ciidan ka badan 600 askari ay bilo isticmaali karaan.

Duqeymihii u danbeeyey ayaa gaarsiiyey khasaare, dhimasho iyo dhaawacba leh, iyagoo Miinooyinkii ay wadooyinka ku gooyeen la saaray intii ugu badnayd.

In ka badan 4 diyaaradaha drone oo ay qaraxyo ku xireen ayaa laga soo riday daacish,.

Howlgalka ayaa bilow jooga, waxayna galeen kooxda Daacish dhulka buuraha sare, oo iyana howlgaladu cir iyo dhulba kaga socdaan, sida ay sheegtay dawladda Puntland.

 

Related posts

(Sawirro) Xamse Barre oo dhagax dhigay dhismaha xarun cusub oo loogu talo galay..

Caydiid Ali

Xiisad ciidan oo ka taagan jidka u baxa garoonka dayuuradaha Boosaaso & ciidanka PSF oo..

Caydiid Ali

Muwaadiniin Mareykan ah oo lagu dilay weerarka Xamaas iyo qaar lala’ yahay

Caydiid Ali
Taboola Ads ---