Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa galabta gaaray magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya , kaddib marti-qaad uu ka helay Ra’iisul wasaaraha Itoobiya , sida uu sheegay xafiiska madaxweynaha
Wafdiga madaxweynaha ayaa si aan caadi aheyn loogu soo dhoweeyey magaaladav Addis ababa waxaana garoonka dayuuradaha kaga hor tahay RW Itoobiya abiy Ahmed iyo madax kale.
Ujeeddada booqashada ayaa lagu sheegay; wada-hadal uu madaxweyne Xasan la yeelanayo Abiy Axmed oo diiradda lagu saarayo xoojinta xiriirka laba geesoodka ah iyo horumarinta danaha wadajirka ah ee labada dal.
Sidoo kale, warsaxaafadeedka Villa Somalia auaa looga hadlay socdaalka oo uu baahiyay xafiiska madaxweynaha , waxaa lagu xaqiijiyay in “socdaalkan uu dabasocda heshiiskii dhawaan lagu gaaray Ankara, taas oo ka tarjumaysa iskaashi cusub oo u dhaxeeya Soomaaliya iyo Itoobiya.”
Afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda Itoobiya, Dina Mufti oo la hadlay warbaahinta Itoobiya ayaa dhankiisa sheegay in Itoobiya iyo Soomaaliya ay isku diyaarinayaan inay ka wadahadlaan arrimaha farsamada ee gelitaanka badda ee Itoobiya.
Wuxuu tilmaamay inay Soomaaliya muujisay sida ay u fahansan tahay codsiga Itoobiya ee gaarista badda, isagoo intaa ku daray dalalka qaar inay hadda aqoonsanyihiin xaqa sharci ee Itoobiya u leedahay gelitaanka badda.
Socdaalka Madaxweynaha ayaa ah kii u horreeyay oo rasmi ah, kaddib baaqii Ankara ee uu garwadeenka ka ahaa Madaxweynaha Turkiga. Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa dib u bilaabay cilaaqaadkooda diblomaasi, kaddib markii uu xiriirka labada dal uu xumaaday horaantii sanadkii horr 2024, xilligaasoo Itoobiya heshiis muran badan dhaliyay la gashay Maamulka Somaliland.