Allbanaadir.com
NEWS

Muxuu RW ku-xigeenka ku soo arkay Hay’adda Socdaalka? (Sawirro)

Ra’iisul Wasaare kuxigeenka dalka oo kormeeray Wasaaradda Amniga iyo Hay’adda Socdaalka.

Ra’iisul WasaareKuxigeenka Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa kormeer shaqo ku tagey xarumaha Wasaaradda Amniga Gudaha iyo Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda

Waxaa uu u kuurgalay habsami u socodka howlaha shaqo iyo adeegyada ay shacabka Soomaaliyeed u hayaan.

Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka, ayaa ka dhageystay masuuliyiinta Wasaaradda iyo Hay’adda Socdaalka ee uu kormeeray, warbixinno kala duwan oo la xiriira, howlaha shaqo ee ay Qaranka u hayaan, gaar ahaan dhinacyada Amniga iyo Socdaalka.

Mudane Saalax ayaa ku bogaadiyey masuuliyiinta iyo hawlwadeennada Wasaaradda Amniga Gudaha iyo Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda shaqooyinka ay dalka u hayaan, waxa uuna kula dardaarmay inay sii dardargeliyaan howlaha horyaalla, maadaama ay muhiim u yihiin amniga guud ee dalka.

Related posts

Saciid Deni oo Mamnuucay banaanbaxyo laga abaabulayo Magaalada Boosaaso

Caydiid Ali

Dowlada Soomaaliya oo hawada ka celisay Diyaarad ku wajahneyd magaalada Hargeysa

Cabdi Cade

Guddoomiyihii gobolka Togdheer oo xilka laga qaaday iyo mid cusub oo la magacaabay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---