Allbanaadir.com
NEWS

Dowladda Imaaraadka oo Mashaariic cusub ka hirgalineysa Muqdisho

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna duqa Magaaladda Muqdisho Mudane Maxamed Axmed Amiir ayaa maanta xafiiska ku qaabilay Safiirka Dowladda Imaaraadka u fadhiya Soomaaliya, Danjire Axmed Juma Al-Rumaithi.

Duqa magaalada Muqdisho iyo danjiraha dowladda Imaaraadka ayaa kulanka ay yeesheen waxa ay uaga wada hadleen  xoojinta xiriirka iyo sidii loo balaarin lahaa mashaariicda horumarineed oo ay Dowladda Imaaraadka ka fuliso Magaalada Muqdisho

Safiirka Dowladda Imaaraadka u fadhiya Soomaaliya, Danjire Axmed Juma Al-Rumaithi ayaa sheegay in Dowladda Imaaraadka ay diyaar u tahay sidii loo amba qaadi lahaa mashaariicda horumarineed ee ay ugu talagashay dib udhiska Caasimadda iyo bilicda Magaalada.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna duqa Magaaladda Muqdisho Mudane Maxamed Axmed Amiir ayaa kaga mahadceliyay Dowladda Imaaraadka garab istaaga shacabka Soomaaliyeed iyo doorkooda ku aadan ka qeyb qaadashada dib usoo kabashada Caasimadda, asigoona sidoo kale xoojiyay sii amba qaadida heshiisyada iskaashi ee horey u horey loo galay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Johnson oo ka baxay xaaladii deg dega aheyd & COVID-19 oo dadkii ugu badnaa ku dilay UK

Caydiid Ali

Taliska ciidamada Maraykanka oo faahfaahin ka bixiyey howlgal ka dhacay degaanka Mubaarak

Caydiid Ali

Mo Farah oo lacag looga xaday Hotel uu leeyahay Haile Gebrselassie iyo Dood ka dhalatay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---