Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Xasan oo shaaciyay in ay ka go’an tahay qabashada doorasho qof iyo cod ah

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Madaxtooyada Qaranka kulan kula qaatay qaar ka mid ah madaxda Dalladaha Ururrada Bulshada Rayidka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa xubnaha kulanka ka qeyb galay ka dhageystay aragtidooda iyo talooyinkooda la xiriira xaaladda dalka, gaar ahaan arrimaha siyaasadda, doorashooyinka, dib-u-heshiisiinta iyo amniga.

Madaxweynaha ayaa ururrada la wadaagay warbixin guud oo ku aaddan xaaladda dalka, gaar ahaan guulaha laga gaaray dhinacyada daadajinta adeegyada bulshada, soo celinta maqaamkii qarankeennu ku lahaa fagaarayaasha caalaamka, horumarinta dhaqaalaha, la dagaallanka argagaxisida iyo diyaargarowga ballaaran ee loogu jiro hirgelinta doorashooyinka tooska ah.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sidoo kale adkeeyay sida dowladda uu hoggaamiyo ay uga go’an tahay ka miro dhalinta himillada shacabka Soomaaliyeed ee la xiriira qabashada doorashooyinka qof iyo codka ah, isaga oo qeybaha kala duwan ee bulshada ugu baaqay in ay kaalintooda ka qaataan.

Xubnaha Bulshada Rayidka ayaa dhankooda bogaadiyay horumarka laga gaaray ka muuqashada fagaarayaasha diblomaasiyadeed ee caalamka iyo ciribtirka Khawaarijta, iyaga oo ballanqaaday in ay kaalin weyn ka qaadan doonaan wacyigelinta bulshada iyo dowlad dhiska.

Related posts

(Akhriso) Khudbad aan horey loo arag oo maanta C/wali Gaas uu si kulul ugu weeraray Muuse Biixi

Caydiid Ali

Madaxweyne Farmaajo oo ka hadlay geeridii ku timid Xaawo Cabdi Samatar

Cabdi Cade

Wararkii Ugu Dambeeyay qaraxii saakay ka dhacay Muqdisho (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---