Magaalada Los Angeles ee dalka Mareykanka, waxaa ka taagan musiibo aan horey loogu arag, waxaana qeybo badan oo magaaladaasi katirsan qabsaday sidoo kale baabi’iyay dab xooggan oo lagu guuleysan waayay in si sahlan loo damiyo.
Dabkan ayaa dhulka la simay guryo aad u badan oo kuyaallay magaaladaasi, waxa uuna dabka wali kusii fidayaa qeybo hor leh oo katirsan magaaladan ay ku badnaayeen dadka maalqabeenada ah iyo sidoo kale dadka caanka ah.
Booliiska magaalada Los Angeles , ayaa war ay soo saareen waxa ay ku shaaciyeen in ay xireen nin lagu tuhmay in doonayay in qeybo hor leh oo katirsan magaalada uu dab qabadsiiyo, si xaalada hadda magaalada ka taagan uga sii darto.
Warka kasoo baxay booliiska ayey ku sheegeen n saraakiishu ay heleen taleefoon ku saabsan ninka tuhmanaha la sheegay inuu doonayay inuu dab qabadsiiyo deegaanka Woodland Hills, kadibna sidaa ayay ugu baxeen oo ay u soo qabteen ninkaasi.
Booliiska ninkan ay xireen ayaa si gaar ah la sheegay in uu doonayay in uu dab ka kiciyo waddada aaga Ybarra oo waqooyi ka xigta halka uu hadda dabka xoogan ka kacayo  ee Palisades, waxa ayna booliiska sheegeen in ay baarayaan ninkan la qabtay .
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com