Muhoozi Kainerugaba, oo ah wiil uu dhalay madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni, ayaa ku dhawaaqay inuu isaga baxay barta bulsho ee X, isagoo mudaba ku qorayay fariimo muran badan dhaliyay.
Jeneraalkaan 50-jirka ah ee ciidanka xoogga dalka Uganda ayaa si weyn ugu lug yeeshay saaxadda siyaasadda, wuxu jebiyay disibiliinka militariga, isagoo sidoo kale dib u soo celiyay doodo ku saabsan hammigiisa ku aaddan inuu xilka kala wareego aabihiis oo xukunka hayay tan iyo 1986-kii.
Dhawaan waxa ay caro ka dhalatay qoraal uu soo dhigay bartiisa twitter-ka oo uu ugu hanjabay in uu qoorta ka jari doono hogaamiyaha mucaaradka ee dalkaasi Bobi Wine.
Qoraalkiisii ugu dambeeyay ee jimcihii, Janaraal Kainerugaba wuxuu yiri “waxaa la gaaray waqtigii uu isaga bixi lahaa oo uu xoogga saari lahaa” waajibaadkiisa milatari laakiin wuxuu ballan qaaday inuu “dib ugu soo noqon doono” halka milyan ee taageerayaashiisa mustaqbalka ah.
Tani maaha markii ugu horeysay ee Janaraal Kainerugaba uu hakiyo akoonkiisa X.
2022, wuxuu ka tagay madal qoraallo kaliya lagu daabic jiray balse maalmo kadib ayuu dib ugu laabtay.
Dadka dhaleeceeya ayaa jeneraalka ku eedeeyay hadallada uu baraha bulshada ka sheegay, kuwaas oo taabtay mowduucyo xasaasi ah oo aysan ahayn in uu ka hadlo askari ciidanka ka tirsan.
Sannadkii 2022-kii, waxa uu qabsaday cinwaanada mar uu ka hadlay duullaan lagu qaadayo dalka ay deriska yihiin ee Kenya, hadalkaas oo ku qasbay aabbihii in uu soo dhexgalo arrinka oo uu raalli-gelin ka bixiyo.
Qoraal uu dhawaan soo dhigay Kainerugaba oo uu ugu hanjabay in uu “ka jarayo” madaxa Bobi Wine, oo magaciisa dhabta ah uu yahay Robert Kyagulanyi, ayaa dhaleeceyn ballaaran usoo jiiday dalka.
Inkasta oo uu Jeneraalku raaligelin ka bixiyay hadalkaas oo uu ku tilmaamay kaftan, haddana Bobi Wine waxa uu sheegay in aanu si fudud u qaadan karin hanjabaadahaas.
Dowladda Uganda ayaa hoos u dhigtay hadalkaas, iyadoo afhayeen u hadlay uu ku tilmaamay hadalka Janaraal Kainerugaba ee baraha bulshada kuwo “caado ah” oo aan loo fasiran karin inay ka tarjumayaan siyaasad rasmi ah.
Sidoo kale Janaraal Kainerugaba oo hadalo aan dublaamsiyad ku fadhin ku faafiyay baraha bulshada ayaa sidoo kale ka caraysiiyay dalal kale kadib qoraalo uu ku soo qoray baraha bulshada oo ku saabsanaa in Ruushka uu kula safan yahay duulaanka Ukraine, wuxuuna sheegay in Uganda ay la safan doonto Tigrayga dagaalka sokeeye ee Itoobiya.
Si kastaba ha ahaatee Museveni waxa uu difaacay wiilkiisa oo uu ku tilmaamay “Jeneraal aad u wanaagsan” waxa ayna ciidamadu sheegeen in uu ku naaloonayo xuquuqaha shaqsiga ah ee uu dastuurku u damaanad qaaday.
Dhambaal sagootin ah oo uu u diray xertiisa X, ayuu Jeneraalku ku sheegay in go’aanka uu uga baxay madasha uu ahaa mid uu ku hagayo caqiidadiisa, isla markaana uu dib u soo cusbooneysiiyay shaqadiisa ciidan ee uu u hayo guud ahaan ciidamada Uganda ee UPDF.
Waxa uu ku booriyay dadka ku xiran boggiisa inay sii wadaan taageerada aabihiis, oo uu ku tilmaamay “janankii ugu weynaa ee wax iska caabinta”.
Janaraal Kainerugaba ayaa loo arkaa inuu yahay ninka bedeli kara aabihiis oo mudada dheer xilka hayay balse Museveni ayaa beeniyay inuu u diyaarinayo madaxtinimada.
Waxa uu ku biiray ciidanka 1999-kii waxaana uuna sameeyay dalaacad aad u badan tan iyo xilligaas. Koritaankiisa waxa ay warbaahinta gudaha u bixisay “Mashruuca Muhoozi”.
“Waan ogahay inaad dhammaantiin i jeceshihiin, iyo inaad igu sii xirnaan doontaan sida dabaysha oo kale muddo dheer,” ayuu ku yiri qoraalkiisa uu ku saxiixay.
Source Bbc