Tirada dhimashada dabka ka holcaya Los Angeles ayaa kor u dhaaftay 10 qof, sida ay masuuliyiintu sheegeen – laba jibaar tirada lagu dhawaaqay saacado ka hor.
Mas‘uuliyiinta caafimaadka ee Los Angeles ayaa sheegay in haraadiga dadkan weli la raadinayo.
“Aqoonsigu dadka wuxuu qaadan karaa dhowr toddobaad maadaama Waaxda Baarista Caafimaadku aanay awoodin inay ka jawaabto dhammaan xaaladaha dhimashada sababo la xiriira jawiga dabka iyo welwelka oo sarreeya,” ayaa lagu yiri war ka soo baxay mas’uuliyiinta magaalada.
Duqa magaalada Los Angeles Karen Bass ayaa warbaahinta u sheegtay in dab cusub uu ka kacay halka lagu magacaabo West Hills, waxayna cabsi ka muujisay in si degdeg ah uu faafo maadaama ay jiraan dabeylo xooggan. Dadka magaalada Los Angeles ayay ku boorisay inay raacaan amarada daadgureynta.
Madaxa waaxda dab damiska ee Los Angeles Kristin Crowley ayaa iyana sheegtay in labo dhimasho ah la diiwaan galiyay dabka deegaanka Palisades. Waa dhimashadii ugu horreysay ee la xaqiijiyay ee ka dhalatay dabka cusub. Balse tirada guud ee dhimashada guudahaan dabka ayaa hadda maraysa 10 qof.
Sawirro laga soo qaaday goobaha dabku cagta mariyay ee magaalada Los Angeles ayaa muujinaya burbur baaxd leh oo dabku gaystay, iyadoo dadkii lahaa guryaha gubtay iyo dhismayaasha halkaa laga daadgureyay.
Dabka ayaan weli lagu guuleysan in la xakameeyo maadaama ay socdaan dabeylo xooggan oo keenay in hadba aag cusub uu ka kaco.