Dayuuradahan oo ah faca shanaad – 5th Generation” ayaa dunida ka yaabisey sida degdegga ah ee uu Türkiye ku helay farsamada technology-yadda casriga ah.
Recep Tayyip Erdoğan wuxuu Turkey ku soo daray dalalka haysta technology-yadda hubka ee maanta dunida ka jira. Wuxuu matalayaa Cismaaniyiinta, isaga oo qarka u saaran inuu sheegto darajada (Sultan)..
In uu Erdoğan ku adkaaday Syria oo uu Russia Maraykan iyo Iran gadaal iska-mariyey, ayey calaamad u tahay ifafaalaha noqoshada Sultan-kii Cismaaniyiinta. Dunida Muslimiinta Sunniga ah, inuu madax u yahay way muuqataa.
Dayuuradaha (TF) Kaan, ma’aha uun dayuurad kale oo la soo saaray ee waxay qayb ka tahay dib-u-qaabaynta ciidammada cirka Türkiye iyo halka ay dhaqaalaha ugu badan ka heli doonto.
Waxaa kale oo lagu baddali doonaa dayuuradaha gaboobay ee F-16 ee uu hore uga iibsaday Maraykanka.
Sababta ugu wayn ee uu Erdoğan u samaystay dayuuradahan, ayaa ah markii Türkiye laga saaray barnaamijkii lagu samaynayey dayuuradaha F-35 Lightning II joint strike fighter program. Hammi sare oo uu lahaa Erdoğan, ayaa u saamaxday inuu barnaamijka (TF) Kaan ka miro dhaliyo.
Hawshaa waxaa garabka u ritay Kambaniga Turkish Aerospace Industries (TAI). Sanado kaddib, shirkaddu waxay samaysay dayuurad dhererkeedu yahay 69 feet, baalasheeduna ay yihiin 46 feet. Way adag tahay, in raadarrada cadawgu ogaadaan ama qabtaan (TF) Kaan. Waxayna arrintan dayuuraddu kala siman tahay dayuuradaha kale Maraykanka ee ah 5th Generation.
Si dayuuradda aan loo arag, waxaa loo dhammaystiray dhammaan waxyaabihii arrintaa ku kaalmayn lahaa. La soco, dayuuradahan waxaa lagu rakibay raadarka la yaabka leh ee Electronically-Scanned Array (AESA).
Arrinta ugu xiisaha badan ayaa ah, in Ciidammada Cirka Türkiye ay qorshaynayaan inay TF-Kaan ku rakibaan oo ay la socdaan daroonnada casriga ah ee aan cidina wadin oo u noqon doona lakab sare oo difaac u ah iyo inay dagaalka kala qayb qaataan.
Qolka duuliyaha dayuuradda iyo daroonka la socda, waxaa ka dhexeeya xog sugan oo ay fahmayaan. Maraykanku ma doonayaan, inay dayuuradahooda F-22 A Raptors ama F-35 inay ku xirtaan daroonno la mid ah kuwa uu Türkiye ku xiray TF-Kaan, sababta oo ah Pentagon wali wuxuu sugayaa lacagtii lagu hirgalin lahaa mashruucan.
Sida F-22 A Raptors ama F-35, ayey TF-Kaan waxaa ku rakiban gantaallada hawada laga rido ee dhulka wax ka burburiya oo ah gantaallada dayuuradaha cirka ku jira ay dayuuradaha kale ee hawada ku jira kula dagaallanto iyo xataa waxay wadataa waxyaabo yaryar oo qarxa.
Sida uu baahiyey Joornaalka The Defense Post, habka loo sameeyey TF-Kaan waxay 100% tahay dayuurad loo dhammaystiray dhammaan habkii ay ku noqon lahayd stealth inaan raadarradu qaban.
Laba matoor oo ah General Electric turbofan, ayay ka heshaa awoodda ay u baahan tahay dayuuraddu. Waxayna goynaysaa xawaare ah Mach 1.8 (1,381 miles) saacaddiiba. Cirka joogga 55,775 feet ah, ayey dhex-muquuran kartaa. Dayuuraddan, sina ugama duwana midda Maraykanka ee F-35.
Sida Türkiye, Saudi Arabia waxay doonaysay inay qayb ka noqoto barnaamijkii America ee F-35. Laakiin waqti dheer kaddib, Pentagon wali ma ansixin dalabka Sacuudiga sida Türkiye. Taa baa ku riixday Riyaadh inay u soo jeedsato dhinaca Türkiye.
Waxaa jira heshiis u dhexeeya America iyo Israa’iil oo dhigaya, in hub kasta oo Israa’iil dariskeeda laga iibinayo, uu ka hooseeyo kan Israa’iil laga iibiyo. Ilaa hadda, Israa’iil waxay leedahay nooca F-35I Adir. Haddii Maraykanku ka iibiyo Saudi Arabia F-35, Israa’iil waxaa ku billaaban doona walaac aan yarayn.
Sidaa awgeed, Riyadh waxay iimaansatay dhinaca Türkiye. Türkiye arrintan aad ayuu u soo dhaweeyey in uu garab-qabto Sacuudiga.