Allbanaadir.com
NEWS

Golaha Wasiirada cusub ee Somaliland oo la dhaariyey (Sawirro)

Gudoomiyaha Maxkamada Sare oo Dhaarta Dastuuriga ah Galabta Dhaariyey Golaha Wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland.

Dhaarta Dastuuriga ah ee Golaha Wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland, waxa maanta oo ay taariikhdu tahay 09/01/2025 la dhaariyey dhammaan Xubnaha Golaha ee Xukuumadda uu gadhwadeenka ka yahay Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), Fadhiga dhaarta Dastuuriga ah waxa goob-joog ka ahaa Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka iyo gudoomiyaha Maxkamada Sare.

Sida ku cad qodobka 94aad ee dastuurka Somaliland farqadiisa 3aad xubnaha golaha  ee uu madaxweynuhu magacaabo waa in lagu dhaariyaaa 30 maalmood gudohood, marka ay golaha wakiiladda ay ansixiyaan xubnaha golaha wasiirrada.

Habka loo marayo dhaarta dastuuriga ah waxay ku cadahay qodobka 129aad ee dastuurka, taasoo gudoomiyaha Maxkamada sare ahna gudoomiyaha maxkamada Dastuuriga ah ee Somaliland uu yahay qofka uu dastuurku u jideeyey inuu dhaariyo xubnaha golaha wasiirrada iyada oo ay goob-joog ka yihiin madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka.

Dhaarta ka dib waxa hadalo Dar-daaran ah ka jeediyey halkaasi Madaxweyne ku xigeenka iyo Madaxweynaha

Madaxweyne ku xigeenka oo Khudbad taariikhda u jeediyey Golaha markii la dhaariyey ayaa yidhi “Waxa gacanta laydiin saaray Kitaabkii Qur’aanka ahaa oo wax ka weyn oo adduunkan yaalla aanu jirin, ciddii ku geftaana if iyo aakhiro ay helayso ciqaabtiisa, kelmadahan guddoomiyuhu ku hadlay Diinta Islaamka ku jirta, Diintu waa shayga keliya aynu ogolnahay inaan u dhiman karno, haddii gacantii aan kitaabka saarnay iyo camalka aan falaynaa ay is waafiqi waayaan arrin fudud maaha”

“Waxaan idin xasuusinayaa oo maanta aan tegay aniga iyo wasiirro kaleba aan joognay waxqaabdkii dawladda hoose ee hargeisa ee saddexdii sanno ee lasoo dhaafay, darbiga waxaa ku yaala sawiradii Taliyayaashii Booliska Somaliland intii ay jirtay soo qabtay xilalka 11-sawir baa meesha sumad u yaala, wasiir Cabdilaahi wuxuu waydiiyey Jananka yaa ka nool  wuxuu yidhi Jananku keligay baa ka nool wuu naxay markaa, waxa aan moodayno wax weyn markaa  waa intaa oo kaaga darane inteena aanu midna ogayn inuu shirka danbe iman doono qof ballan qaadaya inaguma jiro rag iyo dumarba, waxa lay dhaariyey waa maxay? Xil-ummadeed baan soo doonanay ee wax Shakhsi maaha Ilaahay aan ka yaabno lafaheenana aan u jaabno reeraheena iyo ubadkeenana aan u yaabno”

“Dhaartaasi ma fududee wasiirow rag iyo dumarba labadayada annagaa ugu daran laakiinse ma kala sokaynee Ilaahay waxaan ka baryaa inuu ina waafajiyo tawfiiqda Ilaahay waxaan ka baryayaa inuu inagu ilhaameeyo jidka toosan Ummadana aan ugu shaqayno iyo Diinta Islaamka si caddaalada”.

Ugu danbayntiina Madaxweynaha Somaliland ayaa la dardaarmay Masuuliyiinta la dhaariyey waxaanu yidhi “Aniga iyo madaxweyne-ku-xigeenka ayaa idiinku hor dhaaranay bishii December 12-keedii, maantana  markii aad nidaamkii soo dhamaysateen ee golaha wakiilladu ugu dambeeyey waxa aynnu sida Dastuurku tilmaamayo ku khatimaynaa Dhaarta.

Maanta dhaartaa aynnu dhaarannay, culayskeeda iyo waxa aynu ku dhaaranay idinka iyo annaguba waa wax weyn. Waxaynu ku dhaarannay Diinta, dalka iyo dadka. Dadkuna maanta waxay inaga sugayaan ballanqaadyadeennii inaynu fulinno, ballanqaadyadii ay dadka u qaadnay iyo adeegyadiina waa masuuliyad ina wada saaran, idinkana gaar idiin saaran.

“Dadku waxa ay inaga sugayaan adeeg kasta oo aynnu u ballan qaadnay oo ay xukuumadda ka filayaan, haddii ay tahay waxbarasho, Biyo, caafimaad, waddo iyo haddii ay caddaalad tahayba, adeegyadaasna xafiisyadiina ayaa ka masuul ah, shacabkuna wuu ina eegayaa, wuu ina qiimaynayaa, wuuna inala xisaabtamayaa, doorashooyin dambena waynu ka sugaynaa, markaa shacbiga maxkamad baynnu u saarannahay, waxana aynnu u baahannahay inaynu shacabka iyo dhaliishooda u dulqaadanno, su’aalahoodana ka jawaabno,”

“Waxa aynnu doonaynaa in isbeddelkii aynnu ballantiisa soo qaadnay inuu inaga muuqdo oo shaqadeenna ka muuqdo oo xadiisyadeenna ka muuqdo oo uu caddaalladdeenna ka muuqdo, waxana aan Ilaahay ka baryayaa inuu inoo fududeeyo dhammaanteen hawsha, idinkana idiin fududeeyo hawsha badankeeduna idinka ayey idinku dhacaysaa.

Hawlihii qaranka 28-kaa wasaaradood baynu ku koobnay, sharcigu saddex waaxood buu tilmaamay oo fulintii waa innaga, hawsha shacabku doonayo in la fuliyana waajibku inta badan waxa uu saaran yahay fulinta, waaxda kale waa garsoorka oo uu oday ka yahay guddoomiyaha. Qaybta garsoorka iyo caddaaladdu waa muhiim, laakiin adeeggga dadku u baahan yihiin Boqolkiiba Boqol innagaa (xukuumadda) gacanta ku haynna, markaa waxa aynnu u baahannahay inaynu dadkana si wanaagsan ugu adeegno, saacadaha aynu shaqaynayno  ee inagu waajibka ahna aynu u shaqayno haddaynaan dheeraad ku darayn, sharciguna waxa uu innaga rabaa inaynnu 8 (Siddeed) saacadood shaqayno, waana inuu xafiisyadeenna ka muuqdaa, waana aynu isla xisaabtamaynaa, waana is daba gelaynaa, waxana aynu doonaynaa inayno ogaanno xafiis kastaa inuu waajibkiisii kasoo baxay.”

Related posts

Gole siyaasadeed oo dhaliilay Xasan Shiikh Maxamuud iyo Mucaaradka ku kacsan Dowladda Soomaaliya!!

admin

Xasan Shiikh & wafdigiisa oo gaaray Algeris, kulana la qaatay António Guterres (Sawirro)

Caydiid Ali

Madaxweyne Farmaajo iyo Beesha Caalamka oo shir Xasaasi ah uga furmay Afisiyooni

Cabdi Cade
Taboola Ads ---