Allbanaadir.com
NEWS

Turkiga oo bilaabaya dhismaha saldhiga Turksat-6B ee Somalia

Dowladda Turkiga ayaa qorsheynaya in ay dhawaan bilaawdo dhismaha saldhiga dayax-gacmeedka ay ka dhisayso Soomaaliya ee Turksat6B kaasoo beddeli doona dayax-gacmeedka hore ee Turksat3A. Sida laga soo xigtay ilo ku dhow xarunta hawada sare ee Turkey.

Saraakiisha Turkey ayaa sheegay in socdaaka Erdogan ee Soomaaliya uu qayb ka yahay qorshaha bilaabida dhismaha xarunta cusub. Dhismaha xaruntaan ayaa loo arkaa dhacdo taariikhi ah oo labada dalba ay ka wada faa’iidi doonaan, waxayna noqon doontaa markii ugu horreysay oo Soomaaliya laga dhiso xarun hawada sare.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa bishii la soo dhaafay shaaca ka qaaday in Turkiga iyo Soomaaliya ay ka wada dhisayaan Xarun Hawada Sare xeebaha badweynta Hindiya ee Soomaaliya. Xaruntaan tiknoolajiyadda sare leh waxaa ka mid ah warshad lagu soo saaro qalabka dayax-gacmeedka, qalab loogu talagalay maareynta shidaalka cryogenic, dhismayaal maamulka, iyo dhowr goobo oo gantaalada laga tuuro.

Xaruntu waxay bixin doontaa adeegyo xirfadeed oo ah qaabka loo tuuro dayax-gacmeedka, xitaa kuwa ku wajahan saldhiga ugu wayn ee dayax gacmeedka hawada ee loo yaqaano International Space Station .

Turkiga ayaa dhismaha xaruntaan u qoondeeyey $6 bilyan oo dollar, isagoo adeegsanaya maalgelin gudaha iyo dibadda ah. Waxaana horey loo bixiyey $350 milyan si loo daboolo kharashaadka bilowga ah.

Soomaaliya ayaa xoojisay iskaashigeeda la leedahay Turkiga labadii sano ee ugu dambeeyey, iyadoo hadda loo arko “saaxiib istiraatiiji ah” oo Ankara la leh xiriir wanaagsan oo xaga ganacsiga, amniga, tamarta, iyo hadda oo warshadaha hawada sare.

Related posts

Haweeney 102 sano jir ah oo dil ka geysatay dalka Faransiiska

Caydiid Ali

Madaxweyne Deni oo kulan Xasaasi ah la yeeshay Donald Yamamoto (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade

Madaxweyne Farmaajo oo Telfoon kula hadlay Madaxweyne Uhuru Kenyatta

Cabdi Cade
Taboola Ads ---