Dab ayaa weli ka kacaya qeybo ka mid ah magaalada Los Angeles ee gobolka California dalka Mareykanka halkaasoo in ka badan boqol kun oo qof lagu qasbay inay guryahooda ka cararaan.
Dabku in uu faafo waxaa qayb weyn ka qaadanaya dabeylo xooggan oo socda, waxaana adag in la xakameeyo. Dhowr qof ayaa la soo wariyay in ay dhinteen.
Kooxaha dab damiska ayaa dadaal ku jira hase-yeeshee dabeysha ayaa ah caqabadda ugu weyn ee ay wajahayaan maadaama tubooyinka biyaha laga tuuro aaney xajin karin mararka qaar oo dabeyshu ay hadba dhinac u weecinayso.
Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in ay diyaar u tahay inay sameyso wax walba oo karaankeeda ah, si loo xakameeyo dabka cusub ee ka kacay qaybo ka mid ah magaalada Los Angeles ee gobolka California
Madaxweyne Biden ayaa baajiyey safarkiisiu ugu dambeeyey ee uu ku tagi lahaa talyaaniga wuxuuna muujiyay in waqti dheer ay qaadan karto la tacaalidda xaaladda dabka, balse ay wax walba u hurayaan sidii loo xakameyn lahaa.
Wuxuu amar ku bixiyay in dowladda dhexe ay kaalmeyso tan gobolka si ay ugu guulaystaan dadaallada socda ee wax looga qabanayo dabka holcaya ee sida xowliga ah ku baahaya.
Dabkan ayaa muuqaalka magaalada los angeles ka dhigay mid u eg magaalada Gaza ee dhulka Fasaltiin oo maalin walba ciidamada Israel ay ka wadaan xasuuq iyo duqeymo xoogan.
HOOS LA DAAWO SAWIRADA