Allbanaadir.com
NEWS

Puntland oo shaacisay sida laga yeelayo Ajaaniibta katirsan Daacish

Maamulka Puntland ayaa beeniyay warar baahay oo sheegayay in aan cafis loo fidin doonin dagaallameyaasha shisheeye ee isa soo dhiiba, xilli maamulkaas uu dagaal kula jiro ururka Daacish ee ka dagaallama dhulka buuraleyda ah ee Puntland

Wasiirka war-faafinta Puntland Maxamuud Caydiid Dirir ayaa sheegay in cafiska oo Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni dhowr jeer ku celceliyay una fidiyay kooxaha ka soo horjeeda uu yahay mid weli furan ciddii goob dagaal iska soo dhiibaysa iyo ciddii isa soo dhiibaysa xilli aanu dagaal jirin.

Wuxuu tilmaamay in sharciga dagaalka uu leeyahay maxaabiis la qabto oo la cafiyo iyaguna ay taa raacayaan. Wasiir Cadiid ayaa intaas ku daray,”Cafisku waa uu furanyahay towbadda Ilaaheybaa aqbala qofka inta naftu aaney kalxamaha soo gaarin Ilaaheyba towbadda wuu ka aqbalaa, sharciga dagaalkana maxaabiisu cafis waa leedahay,”.

Isagoo xoojinaya in Puntland aanu ka soo yeerin hadda hadalka faafay ee ku saabsan in aaney cafin doonin ajaanibta qaybta ka ah dagaalka Daacish ay kula jirto maamulkiisa, ayaa wasiirku waxaa uu yiri: hadalkaasi hadda maaha, waxaan filayaa ninka dhalinyarada ah ee ciidanka wacyi gelinayay,xilligaas dhowr sano ayaa laga joogaa, wuxuuna ciidanka ka wacyi galinayay in nimankaan aaney ka tanaasulin caqiidadooda,”.

Maxamuud Caydiid Dirir ayaa sheegay in hadda uu socdo qorshe Puntland iyo hay’adda socdaalka ay ka wadashaqeynayaan oo dib dalalkoodii loogu celinayo ajaanib isa soo dhiibtay, inkasta oo uusan wasiirku faahfaahin ka bixin tirada, dalalka ay ka soo jeedaan, iyo xilliga ay isa soo dhiibeen dadka dib loogu dhoofinayo halka ay ka soo jeedaan.

“Ajnaab way jireen isa soo dhiibtay oo uu socdo hannaankii dalalkooda loogu dhoofin lahaa oo IOM-ta iyo Bisha Cas ay nagala shaqeynayaan,” ayuu yiri wasiirka war-fafainta Puntland.

Waxaa uu carrabka ku adkeyay in dadka aan u dhalan Soomaaliya iyo kuwa mawaadiniinta ahb ee isa soo dhiiba kana tirsna kooxaha ay la dagaallamayaan ay u simanyihiin sharciga marka la eego dhanka dambiyada ay galaan.

Wasiir Caydiid oo ka jawaabayay su’aal arrintaan BBC-du ka waydiisay ayaa sidaan u dhigay jawaabta:,”Isku fikir ayay aaminsanyihiin isku furinbay ku jiraan, caqiidoodu waa isku mid, dambigay galeen waa isku mid kan ay qorsheynayaanna waa isku mid,”.

Waxaa uu intaa raaciyay in kaliya sida ay u kala duwanyihiin dambiyada ay galaan loola xaalayo mid walba wixii sharcigu ka qabo, hase yeeshee sida guud aaney u kala duwneyn Puntland oo hal xeer uga yaallo.

Hadalka maamulka Puntland ayaa imaanaya, iyadoo dhawaan ciidamada amniga ee maamulka Puntland ay sheegeen inay ka hortageen weerar ay wehliyeen gawaari qaraxyo lagu soo xiray oo koox ka tirsan Daacish ay ku soo qaadeen saldhig ciidan oo ku yaalla deegaan lagu magacaabo Dharjaale oo ka tirsan gobolka Bari.

Puntland waxay sheegtay in dhamaan kooxdii weerarka soo qaadday oo ajaanib u badnaa ay dhinteen, iyadoo baraha bulshada la soo dhigay muuqaallo muujinayay meydad lagu sheegay in ay yihiin kooxdii weerarka soo qaadday.

Dhankooda kooxda isku magacowda Dawladda Islaamka ee IS oo iyaguna war soo saaray ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarkii 31-dii bishii December ka dhacay saldhiga ciidan ee ku yaalla Dharjaalle.

Warka ay soo saartay Daacish ayaa lagu sheegay in weerarka ay fuliyeen 12 dagaalyahan iyo laba baabuur oo qaraxyo siday, isla markaana lagu dilay ku dhawaad 22 askari oo ka tirsanaa ciidamada Puntland ayna ku dhaawacmeen tobanaan kale.

Source Bbc

Related posts

Heyad caalami ah oo soo saartay warbixin eedeymo kulul loogu jeedinayo Al-Shabaab

Caydiid Ali

(Sawirro) Turkiga oo soo saaray Mid ka mid ah taangiyada dunida ugu casrisan

Caydiid Ali

Guddoomiye Max’ed Mursal oo maanta sameeyey kormeerkiisii ugu horeeyey (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---