Allbanaadir.com
NEWS

Agaasime Dhuxulow oo hal arrin ka codsaday Safiirka USA

Agaasimaha guud ee hay’adda socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya Mustaf Dhuxulow oo ay wehliyaan agaasime waaxeedyada hay’adda ayaa kulan la qaatay Safiirka dowlada Mareykanka ee Soomaaliya mudane Richard H. Riley.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray sidii loo xoojin lahaa iskaashiga labada dowladood ee ku saabsan dhanka socdaalka iyo ka hortagga Socdaalka sharci darrada ah.

Agaasimaha guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ayaa uga mahadceliyey taageerada dowlada Mareykanka ay ka geysato horumarinta kaabayaasha Hay’adda, Waxaana uu sidoo kale uu codsaday in sare loo sii qaado iskaashi dhexmara hay’adaha Socdaalka iyo Jinsiyadaha ee labada dal.

Dhanka kale, Safiirka dowladda Maraykanka ayaa tilmaamay in dowladiisa ay ka go’an tahay sii wadida taageerada ay la garab taagantahay horumarinta HSJ, isla markaana la sii xoojinayo iskaashiga dhexmara labada dal ee dhinacyada isdhaafsiga khibradaha, Arrimaha Socdaalka iyo taageerida Aqoon kororsiga Socdaalka.

Related posts

Weerar khasaaro dhimasho dhaliyay oo ka dhacay magaalada Dhuusomareeb

Cabdi Cade

Caqabad cusub oo soo wajahday dacwadii uu Fahad Yaasiin u gudbiyey Maxkamada Sare

Caydiid Ali

Sarkaal ka tirsan Al-Shabaab & agabyo kale oo lagu soo qabtay Howgal (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---