Milatariga Sudan ayaa la wareegay inta badan saldhigyadii ay ku xooganeyd kooxda gurmadka deg deg ah ee ka soo horjeeda kuwaasoo magacooda loo soo gaabbiyo RSF
Dagaal maanta dhacay ayey milaterigu kala wareegeen magaalooyinka muhiimka ah ee Mansoura, Murabaat iyo Elfitihab.
Ciidanka ayaa sidoo kale la wareegay bakhaarkii hubka iyo rasaasta ee kooxda RSF sida ay ku waramayso Al Jazeera.
Kooxda RSF oo taageero ka hesha Imaaraadka ayaa luminaysa dhamaan deegaanadii ay sugnaayeen.
Dowladda Maraykanka ayaa sidoo kale xalay cunaqabatayn saartay Mohamed Hamdan Hemedti, hogaamiyaha kooxda iyo shirkado ganacsi uu ku leeyahay Abu Dubai.
Waxaa laga mamnuucay inuu safar ku tago Mareykanka iyo in la xayiro dhammaan hantida uu ku leeyahay gudaha Mareykanka nooc kastoo ay tahay.
Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka Antony Blinken ayaa sheegay in xubno ka tirsan Ciidamada Taageerada Degdegga ah iyo maleeshiyaadka la shaqeeya ay geysteen dambiyo ka dhan ah aadanaha, isir sifeyn, iyo xasuuq aan kala sooc laheyn gudaha Sudan.