Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Deni oo Boosaaso kula kulmay Wang Yu iyo wafdi la socday (Sawirro)

Madaxweynaha dowlad goboleedka  Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta oo Arbaco ah magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ku qaabilay Safiirka dowladda Shiinaha ee Soomaaliya Amb. Wang Yu iyo wafdi uu hoggaaminayo.

Siciid Deni iyo Amb. Wang Yu , ayaa kulan gaar ah ay yeesheen waxa ay uga wada hadleen xaalada siyaasadeed ee dalka, waxa ay sidoo kale labada dhinac kawada hadleen horumarka ka jira deegaannada Puntland iyo sida Shiinaha maamulkaasi uga taageeri karo mashaariic.

Madaxweyne Siciid Deni, ayaa uga mahadceliyay safiirka Shiinaha booqashada uu ugu yimid magaalada Boosaaso, waxa uuna ka codsaday dowladda Shiinaha in maamulkiisa ka taageerto mashaariicyo waxtar u leh dadka iyo deegaannada Puntland.

Xiriirka dowladda Soomaaliya iyo maamulka Puntland u dhaxeeyay ayaa go’ay labadii sano ee lasoo dhaafay , Madaxweynaha Puntland ayaana wakiiladda beesha caalamka si gaar ah ula kulmayay , isaga oo kala hadlayay xaaladaha ka jira Puntland iyo taageerada ay uga baahan yihiin.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Xildhibaanada Labada Aqal ee laga soo doortay Galmudug oo Cadeeyay Mowqifkooda ku aadan Khilaafka….

Cabdi Cade

Ciidamo ka tirsan Danab oo tababar loo xiray, dhoolatus cajiib ahna soo bandhigay (Sawirro)

Caydiid Ali

Wafdi ka socda Raisul Wasaaraha Itoobiya oo ka degay Magaalada Hargeysa

Caydiid Ali
Taboola Ads ---