Wararka ka imaanaya deegaanka Ceelbaraf ee gobolka Shabeelaha Dhaxe , ayaa sheegaya in xalay koox hubeysan weerar khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ka geesteen gudaha deegaankaasi, xilli inta badan dadku hurdeen.
Kooxda hubeysan oo gaari wadatay ayaa la sheegay in ay rasaas xooggan ku fureen dad shacab beeraley ahaa, waxaana rasaastaasi sababtay geerida hal qof oo shacab ah iyo dhaawaca saddex qof oo kale oo kamid ahaa dadka deegaanka.
Sidoo kale kooxda weerarka geesatay ayaa la sheegay in ay dab qabadsiiyeen cagaf cagf ay lahaayeen dadka beeraleyda ah ee la weeraray, lama oga ilaa hadda cidda ay ahaayeen kooxda weerarkan fulisay iyo halka ay ka yimaadeen.
Xiisad ayaana saakay laga dareemayaa deegaanka Ceelbaraf ee xalay dilka iyo dhaawaca ka dhacay, waxaana weerarkan dadka qaar tuhmayaan in uu salka ku hayo aano qabiil, mana jiro ilaa hadda wax war ah oo arrintan kasoo saareen laamaha amniga.
Deegaanka Ceelbaraf , ayaa dhawaan maqalkeeda si weyn baraha bulshada iyo warbaahinta u qabsaday, kaddib markii maleeshiyaad kasoo jeeda deegaankaasi ay dileen askar katirsan ciidanka xoogga dalka oo deegaan ahaan kasoo jeeday gobolka Hiiraan.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com