Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Trump oo ku dhawaaqay in uu qabsan doono dalal ay Canada ku jirto

Madaxweynaha la doortay ee Mareykanka Donald Trump ayaa caddeeyay sida ay uga go’antahay Canada inuu ka dhigo gobol ka tirsan Mareykanka , inta uu ku jiray shir jaraa’id uu ku qabtay goobtiisa dalxiiska ee Mar-a-Lago oo ka tirsan Florida .

Trump oo waxaa la waydiiyay inuu awood militari u adeegsan doono si Canada ay u noqoto gobol ka tirsan Mareykanka , si ka duwan hab militari wuxuu sheegay inuu u adeegsan doono Canada ‘awood dhaqaale’, oo la macno inuu gelin doono xaalad dhaqaale oo ku khasbaysa inay Mareykanka ku biiraan..!

Hadalkan waxaa dhaqso uga jawaabay Ra’iisul wasaaraha xilka iska casilay ee Canada, Justin Trudeau oo sheegay inaysan jirin fursad ay Canada uga mid noqon doonto Mareykanka.

Madaxweyne Donald Trump arrinta Canada , wuxuu ku wadaa inuu dhab u beddelo , laakin tani wali waa ‘waxyaabaha layaabka leh ‘ ee ku eg afka Trump.

Dhinaca kale , Donald Trump wuxuu doonaya muddo xileedkiisa inuu Mareykanka ku hoggaamiyo sidii uu u qabsan lahaa dhul badan , kaddib markii uu sheegay inuu doonayo gacanta Mexico inuu u beddelo gacanta Mareykanka .

Hadalkan oo ay ka horreysay inuu sheegay inuu doonayo qabsashada kanaalka Panama iyo jasiiradda Greenland, xitaa haddii laga maarmi waayo inuu adeegsan doono awood ciidan.

Trump hadalkiisa wuxuu yimid, xilli shalay wiilka Trump uu ku tagay diyaaradda gaarka ee Trump jasiirada Greenland ee hoostagta dalka Denmark, halkaa oo ay dadkii soo dhaweeyay xirnaayeen koofiyada uu ololaha doorashada ku galay Trump.

Haddii uu Trump ka dhabeeyo qorshaha qabsashada dhulalka ka baxsan Mareykanka , markaa wuxuu dhiirrigelinaya waddamada dunidda inay u deg degaan inay gaaraan dhulalka istiraatijiga u ah iyo kuwa lagu muransanyahay oo ku jirto inan aragno Shiinaha oo dedejinaya qorshaha uu ku gaarayo Taiwan. Xataa xaaladan waxaa lagu arki kara Afrika oo Morocco ayaa u degdegi doonta inay la wareegto saxaraha galbeedka.

W/Q Iman Jamac

Related posts

Xiisadda u dhaxeysa dowladaha Faransiiska, Mareykanka iyo Australia oo meel xun gaartay

Cabdi Cade

Meydadka qoys lix qof oo Soomaali ah oo laga helay Qaahira

Caydiid Ali

Booliska Muqdisho oo xiray nin Dumar isku ekeysiiyey (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---