Wakaaladda wararka Reuters ayaa sheegtay in Mareykanka uu cunaqabateyn kusoo rogay hoggaamiyaha Ciidamada Taageerada Degdegga ah ee Sudan, Maxamed Xamdan Dagalo (Xamiti)
Waxaa laga mamnuucay inuu safar ku tago Mareykanka iyo in la xayiro dhammaan hantida uu ku leeyahay gudaha Mareykanka nooc kastoo ay tahay.
Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka Antony Blinken ayaa sheegay in xubno ka tirsan Ciidamada Taageerada Degdegga ah iyo maleeshiyaadka la shaqeeya ay geysteen dambiyo ka dhan ah aadanaha, isir sifeyn, iyo xasuuq aan kala sooc laheyn gudaha Sudan.
Talaabadan ayaa ku soo aadeysa xili dowlada Sudan ay soo dhaweysay hindisaha Turkiga ee lagu joojinayo dagaalka 20ka bilood socda, kaddib kulan ay magaalada Port Sudan ku yeesheen taliyaha ciidanka Suudaan, Abdel Fattah al Burhan iyo wasiir ku-xigeenka arrimaha dibadda Turkiga, Burhanettin Duran markaasoo Al Burhan uu xaqiijiyay inay soo dhaweynayaan hindisaha madaxweynaha Turkiga ee lagu raadinayo joojinta dagaalka.
Wasiirka arrimaha dibadda Suudaan, Cali Yuusuf ayaa warbixin kooban ka soo saaray kulanka, wuxuu yiri; “Suudaan waxay u baahan tahay walaalo iyo saaxiibo sida Turkiye,” isagoo intaas ku daray in hindisaha uu horseedi karo  xaqiijinta nabadda Suudaan”.
Horraantii bishii December, madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan ayaa khadka taleefoonka kula xiriiray taliyaha ciidanka Suudaan, Abdel Fattah al Burhan, markaa wuxuu u sheegay inuu Turkiga diyaar u yahay inuu billaabo wada-xaajoodyo lagu soo afjarayo dagaalka, xilligaa Erdogan wuxuu tilmaamay in hindisaha uu yahay in marka hore xal loo helo khilaafka militariga Suudaan iyo Imaaraadka Carabta, si meesha looga saaro nooc kasta oo faragelin dibadda ah.
Kaddib wada-hadalkaa, toddobaadkii hore warsaxaafadeed ka soo baxay Imaaraadka Carabta, waxay Abu Dhabi dhankeeda xaqiijisay inay soo dhaweynayso dadaallada diblomaasiyadeed ee Turkiga uu ku doonayo in lagu xalliyo xiisada ka taagan Suudaan.