Allbanaadir.com
NEWS

Muxuu RW ku-xigeenka dalka ku soo arkay dekeda Muqdisho?

Ra’iisal wasaare-ku-xigeenka  Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa maanta kormeer shaqo ku tegey dekedda magaalada Muqdisho

Waxaa halkaas ku soo dhaweeyey Wasiirka Wasaaradda Dekadaha iyo Gadiidka Badda, Mudane Xil. Maxamuud aadan Geesood, Wasiirudawlaha Wasaaradda Dekadaha & Gaadiidka Badda, Mudane Xil. Maxamed Cabdulqadir Dhucle iyo Maareeye-ku-xigeenka Dekedda Muqdisho, ahna kusimaha Maareeyaha Guud ee Dekedda Muqdisho Mudane, Dr. Cali xaaji Maxamed.

Wasiirka Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda ayaa waxbixin ka siiyay Ra’iisalwasaare-ku-xigeenka XFS shaqada baaxadda leh ee ay ummadda Soomaaliyeed u hayso Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda, isaga oo intaas ku daray sida ay ugaga go’an tahay horumarinta adeegyada Wasaaradda.

Ra’iisalwasaare-ku-xigeenka 1aad ee JFS ayaa bogaadiyay hawlaha baaxadda leh ee ka socda dekedda magaalada Muqdisho, kuwaas oo ay garwadeen ka tahay Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda ee JFS.

Related posts

Iska horimaad hubeysan oo caawa ka dhacay Muqdisho iyo Wararkii ugu dambeeyey

Caydiid Ali

Saudia Arabia oo mar kale qaaday talaabo sare loogu qaadayo xoriyadda Haweenka

Caydiid Ali

Dowladda Soomaaliya oo laga cafiyay 30 Malyan doolar oo deyn lagu lahaa (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---