Qaramada Midoobay ayaa ka digtay in shaqadeeda gaarsiinta gargaarka dadka reer Qasa ay mareyso meel halis ah, ka dib markii sida ay sheegtay qaab ula kac ah oo halis ah oo wax u dhimaya howlaha gargaarka askarta Israa’iil iyo burcadda Falastiiniyiin ah ay u beegsadeen gawaarida gargaarka sidday.
Xoghayaha Qaramada Midoobay ee arrimaha bini’aadantinimada Tom Fletcher, ayaa ku eedeeyay ciidamada Israa’iil inay weerareen kolonyo gargaar ah oo ay ku qorneed astaanta Qaramada Midoobay
Kolonyadan ayaa marayey bartamaha Qasa, waxaana lagu duqeeyey goob cunto qaybin ay ka socotay oo caan ah siddeed iyo afartankii saacadood ee la soo dhaafay.
Waxa uu sidoo kale ku eedeeyay kooxo Falastiini ah oo hubeysan in ay afduubteen lix booyadood oo shidaal ah, taasoo keentay in howlaha gargaarka uu shidaalku ku yaraado. Mr Fletcher waxa uu ugu baaqay wadamada xubnaha ka ah Qaramada Midoobay in ay ku adkaystaan ilaalinta dhammaan hawlgallada bini’aadantinimo ee Qasa ka socda.
Dhinaca kale, Ciidamada Israa’iil ayaa ku dhawaaqay in laba askari ay kaga dhinteen laba kalena ay si xun uga dhaawacmeen iska horimaadyo ka dhacay waqooyiga marinka Qasa shalay gelinkii dambe.
Wargeyska Times of Israel ayaa sheegay in askarta dhintay uu ka mid ahaa Captain Eitan Israel Ashkenazi, oo 24 jir ahaa, kaasoo ahaa taliye ku xigeenka qayb ka tirsan guutada 932-aad ee Nahal. Wargeyska oo soo xiganaya ciidanka ayaa sheegay in magaca askariga labaad aan la shaacin.