Waxaa howlaha shaqo ee loo idmaday guda galay Guddi uu dhawaan Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi u magacaabay dib u habeynta iyo qiimeynta xaaladda shaqo ee Ciidamada Boliiska.
Guddigan ayaa sidoo kale u xilsaaran hubinta Ciidamada Boliiska qeybtooda shaqeyn karta si ay u helaan labis iyo agabka Ciidanka oo qeyb weyn ka qaadanaya dib u soo celinta hanaanka iyo haybadda Ciidanimo.
Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi ayaa mudnaanta koowaad siiyey dib u habeynta Ciidanka Boliiska si kor loogu qaado sharafta iyo haybadda Ciidankan.
Dowlad federaalka Soomaaliya ayaan weli ku guuleysan in ciidanka Booliska loo dhameystiro dhamaan tas’hiilaadka uu u baahan yahay si uu waajibaadkiisa si buuxda ugu guto inkastoo baahiyahaas wax badan laga qabtay.
Waxyaabaha ugu badan ee ay booliska caqabada ku ah waxaa ka mid ah tirada gaadiidka uu ku howlgalo oo aad u yar taasoo adkeyneysa in meelaha ay ka dhacaan dilalka iyo falalka amni daro aysan si deg deg ah u gaarin mararka qaarkood.