Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa maanta oo Talaado ah kulan la qaatay Wasaaradda Arrimaha Gudaha, maamulka caasimada iyo golaha deegaanka Degmada Jowhar.
Kulanka ayaa sidoo kale intii uu socday waxaa lagu soo bandhiggay sida uu uga shaqeeyo caasimada Jowhar mashruuca dowlad-kaab oo ay iska kaashadaan dowladda Federaalka Soomaaliya, UNDP, UN-HABITAT iyo UNICEF.
Sidoo kale kulanka ayaa lagu gorfeeyay amniga, bilicda, dhismayaasha, dhiirogelinta dalxiiska iyo maamul-wanaaga magaalada Jowhar ee caasimada dowladda Hirshabeelle.
Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabeelle ayaa ku ammaanay howlwadeennada Wasaaradda Arrimaha Gudaha shaqada baaxada leh ay waqtigaan gacanta ku hayaan, isaga oo ku booriyay in halkeeda hoosha kasii wadaan.
Ugu dambeyn Madaxweynaha dowladda Hirshabeelle ayaa faray dhammaan dhinacyada ay quseyso horumarinta caasimada Hirshabelle ee Jowhar in lagula xisaabtami doono howlaha ay gacanta ku haayaan.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com