Allbanaadir.com
NEWS

Ciidamada Puntland oo hareereeyay buuraha ay ku jiraan Daacish (Sawirro)

Ciidamada difaaca maamul goboleedka Puntland , ayaa isku fidiyay dhulka buuraha ee lagu tuhmayo in ay ku sugan yihiin dagaalyahannada kooxda Daacish, waxa ayna Puntland dooneysaa in ay qaado howlgal ay kooxdaasi ku ciribtireyso.

Saraakiisha ciidamada Puntland , ayaa sheegay in qorshahoodu yahay in qofna ka baxsadnm kooxda Daacish, waxa ayna xuseen in ay hareereeyeen kooxdaasi oo jiho kasta ay ka jiraan ciidamada difaaca Puntland oo u diyaarsan in ay soo afjaraan kooxdaasi.

”Ciidanka Hawlgalka Ciribtirka Argagixisada ee Puntland oo qorsheeyay in aan qofna ka baxsan Argagixisada, ayaa isku fidiyey deegaannada ku teedsan buuralayda Calmiskaad, iyagoo jiho kasta kaga yimi bartilmaameedka ay ku dhuumaalaysanayaan Argagixisada Daacish” ayaa lagu yiri war kasoo baxay howlgalka ciribtirka argagaxisada Puntland.

Ciidanka difaaca Puntland ee daraawiishta oo ku guda jira hawlgalka ciribtirka argagixisada ayaa hadda hawlgalo amni kawada deegaanka Xamure iyo deegaannada ku hareeraysan ee gobolka Bari, halkaas ay ka baadigoobayaan kooxda Dacaish.

Puntland ayaa dooneysa in deegaannada buuraha ee gobolka Bari ka saarto dagaalyahandda ajaaniibta iyo kuwa Soomaalida ee katirsan Dacaish, halkaas oo kooxda isku aruursatay kuna xooggan yihiin, waxaana hadda socda abaabulkii ugu dambeeyay ee howlgalka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

George Floyd oo la shaaciyay cudur halis ah uu qabay kahor inta aan la dilin

Cabdi Cade

Jim Jordan oo mar kale ku fashilmay codeyntii afhayeenka Aqalka Wakiillada

Cabdi Cade

Muxuu kala soo Noqday Ra’iisul Wasaare Rooble Safarkii Garoowe? (Fikirkaaga dhiibo)

admin
Taboola Ads ---