Allbanaadir.com
NEWS

Mustaf Dhuxulow oo arrin baahi badan loo qabo kala hadlay Diblumaasiyiin Hindi ah

Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya Mudane Mustafa Sheekh  Cali Dhuxulow ,  ayaa kulan kula qaatay xafiiskiisa diblumaasiyiin ka socotay safaarradda dowlada Hindiya ee ku leedahay magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Agaasimaha Guud iyo Diblumaaaiyiinta ka socday dowladda Hindiya, ayaa ka wada hadlay in muwaadiniinta Soomaaliyeed loo fududeeyo helitaanka dalku galka dalkaas, madaama dadka ugu badan ay u safraan arrimo la xiriira caafimaad.

Diblumaasiyiinta ayaa sidoo kale, warbixin ka siiyay Agaasimaha Guud halka uu marayo xafiis ay dhawaan ka furi doonaan Muqdisho, looguna adeegi doono muwaadiniinta Soomaaliyeed, si dalku galka Hindiya loogu bixiyo magaalada Muqdisho.

Dadka Soomaaliyeed . ayaa dhibaato badan ku qaba helitaanka viisaha dalka Hindiya oo loo doonto safaaradaha dowladaasi ku leedahay dalalka Kenya iyo Itoobiya, marar badan ayeyna dowladda Soomaaliya ka codsatay in viisaha dadka Soomaaliyeed loo fududeeyo, mana jiraan wax ka hirgalay wali.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Yuusuf Garaad: “Dal sharci leh sirdoonkiisu weriye uguma hanjabo baraha bulshada”

Caydiid Ali

(Sawirro) Goob ay joogtay Madaxweyne ku-xigeenka Maraykanka oo bam laga helay

Caydiid Ali

Maxay ka wada hadleen Madaxweyne Farmaajo, dhigiisa Geelle & Amiir Tamiim?

Caydiid Ali
Taboola Ads ---