Allbanaadir.com
NEWS

Wasiir Juxa oo kahor yimid xil ka qaadis la sheegay in la sameeyay

Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka ee dowlad goboleedka Puntland Cabdi Faaraxn Juxa, ayaa si adag uga hor yimid xil ka qaadis la sheegay in golaha deegaanka ee degmada Saaxo ku sameeyeen guddoomiyihii degmadaasi iyo kuxigeenkiisa.

Wasiir Juxa , ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay xil ka qaadistan ay sameeyeen golaha deegaanka degmada Saaxo, waxa uuna sheegay in Wasaaradiisa ay wali guddoomiye iyo kuxigeen u aqoonsan tahay xubnahan la sheegay in xilka laga qaaday.

“Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha dowladda Puntland Cabdi Faarax Juxaa wuxuu go’aamiyey in aysan waxba ka jirin xilka qaadistii la sheegay in xilkii laga qaaday guddoomiyaha iyo guddoomiye Ku xigeenka degmada Saaxo ee gobolka Mudug” ayaa lagu yiri qoraalka wasaaradda.

Golaha deegaanka degmada Saaxo ee gobolka Mudug , ayaa la sheegay in kalsoonida kala noqdeen guddoomiyihii degmada iyo kuxigeenkiisa, waxa ayna ku eedeeyeen masuuliyiintan xil gudasho la’aan iyo in ay kasoo bixi waayeen shaqadii loo igmaday.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Wararkii ugu dambeeyey cudurka COVID-19 oo ku sii xoogeysanaya Soomaaliya

Caydiid Ali

Wasiir si lama filaan ah isku casilay xili uu Wareysi toos ah Idaacad siinayay

Cabdi Cade

Ethiopian Airlines oo war ka soo saartay dayuuraddii laga celiyey Somaliland

Caydiid Ali
Taboola Ads ---