Allbanaadir.com
NEWS

Baarlamanka Somaliland oo cod aqbaliyad leh ku ansixiyey..

Maanta waxaa Shir guddoonka iyo Xildhibaanada Golaha Wakiillada Somaliland hor-tagay qeybtii koowaad ee Golaha Wasiirada oo ka koobaan 19 Wasiir oo ka tirsan Xukuumadda WADAJIR iyo WAXQABAD ee uu gadh-wadeenka ka yahay Madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi.

Ujeedada ay 19-ka Wasiir u hor tageen Golaha Wakiillada ayaa aheyd in Goluhu uu ka guto wajibaadkooda la xidhiidha Ansixinta Xubnaha Golaha Wasiirada, sida ku cad Dastuurka Somaliland.

Dhammaan 19-ka Wasiir ee maanta hor tagay Golaha Wakiilladu, waxay Golaha ka hor jeediyeen hadalo kooban oo la xidhiidha arimaha mudnaanta u leh harumarinta Somaliland.

Wasiiradu waxay mid mid Golaha Wakiillada hortiisa ka sheegeen, isla markaana ay ka xog warameen qorshayaasha u dejisan iyo arimaha ay siinayaan mudnaanta ee la xidhiidha Wasaaradaha uu Madaxweynuhu u igmadey .

Hadalada ay Golaha ka hor jeediyeen 19-ka wasiir waxa ay ahaayeen kuwo salka ku haya wax qabad-yada looga fadhiyo Xukuumadda kuwaasoo la xidhiidha Qorshaha Horumarinta NDP-3 iyo Barnaamij Siyaasadeedka Xisbiga WADDANI iyo Xukuumadiisa WADAJIR iyo WAX-QABAD.

Dhammaan Wasiirada hor tagay Golaha Wakiillada waxa ay mid mid Gole weynaha uga codsadeen in loo ansixiyo xilalka Wasiir-nimo si ay  u gataan hawlaha baaxda leh ee uu Madaxweynuhu u igmadey .

Intaas ka dib, Gudoomiyaha Golaha Wakiilladu waxa uu Gole weynaha ka codsadey in mid mid cod gacan taag ah lagu  ansixiyo Wasiirada, taas oo uu Golahu cod aqlabadiyad ah ku ansixiyeen dhammaan 19 Wasiir ee maanta hor yimid .

Madaxweynaha Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamerd Cabdilaahi waxa uu Shirgudoonka iyo Xildhibaanada Golaha Wakiilada uga mahad celiyay sida kalsoonida leh ee ay Golaha Wakiiladu u ansixiyeen Wasiiradii maanta hor tagay.

Related posts

Abiy Ahmed: “Marna kama tanaasuleyno inaan bad helno”

Caydiid Ali

Tirada Shacabka Falastiin ee lagu laayay duqeymaha magaalada Gaza oo la shaaciyay

Cabdi Cade

War Cusub :Saadaq Joon oo fashiliyay qorshe la doonayay in dalka Khalalaase lagu galiyo

Cabdi Cade
Taboola Ads ---