Ra’iisul wasaaraha Canada, Justin Trudeau ayaa xilka iska casilay, kaddib shir jaraa’id oo waxyar ka hor uu ku qabtay Ottawa. Waxaa kale uu ka tagay jagada hoggaamiyaha xisbiga Liberal-ka, isagoo xilka ra’iisul wasaaraha si kumeel-gaar ah u heyn doono tan iyo inta xisbiga Liberal Party ay dooranayaan hoggaamiye cusub oo beddelaya Justin Trudeau.
Justin, waa curadka ra’iisul Wasaarihii hore ee Canada , Pierre Elliot Trudeau. Maanta wuxuu diiwaangeliyay Justin Trudeau , inuu raacay raadka Aabbihii oo sidan oo kale xilka ra’iisul wasaaraha iska casilay sannadkii 1984.
Trudeau ayaa markii ugu horreysay soo galay masraxa siyaasadda sannadkii 2008-dii, markaasoo loo doortay xubin baarlamaanka ah, ka dibna wuxuu noqday hoggaamiyaha xisbiga Liberal-ka ah.
Sannadkii 2015-kii, wuxuu ku guuleystay xilka ra’iisal wasaaraha ka dib markii uu ku ololeeyey barnaamij lid ku ah xisbiga Conservative-ka , wuxuuna doorashada ka helay cod aqlabiyad ah.
Mid ka mid ah hoggaamiyeyaasha ugu da’da yar ee taariikhda soomaraya Canada, Trudeau wuxuu si deg deg ah u noqday hoggaamiye taageerro badan ku dhex leh bulshada Canada , taasoo u sahashay guulo badan inuu ka gaaro doorashada, wuxuu naftiisa ku sheegay hoggaamiye ka hor yimid ficillada Trump muddo xileedkiisii hore . Isagoo ku guuleystay doorashooyinka is xigay ee 2019 iyo 2021.
Laakiin, horumurka deg deg ah ee uu ka sameeyay siyaasadda ayaa si tartiib tartiib ah hoos ugu dhacay ka dib qalalaase siyaasadeed oo uu dhexda u galay, waxaa kalo uu la kulmay eedeymo la xiriirta cunsuriyad kaddib markii la baahiyay sawirro waqti hore ah oo soo baxay isaga oo wajigiisa mariyay midab madow, oo ay u xigtay sida uu u maareeyay marxaladii saf-mareenkii Covid-19 oo si weyn ay uga caroodeen bulshada Canada.
Tan iyo markii ay hoos u dhacday taageerrada bulshada Trump ayaa ku dhaqaaqay ficillo uu ku burburinayo siyaasadda Trudeau, isagoo ku dhawaaqay markii dib loo doortay canshuur dheerad ah oo uu saaray badeecada Canada , taasoo ay ka dhalatay inay si lama filaan ah isku casishay Chrystia Freeland, oo loo arkayay saaxiibka ugu muhiimsan siyaasadda Trudeau oo ahayd ku-xigeenkiisa iyo wasiirka Maaliyadda.