Allbanaadir.com
NEWS

Caqabado ka taagan socodka jidadka Muqdisho & Taliye Asad oo..

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi ayaa Taliyaha qeybta Taraafikada Gobalka Banaadir iyo ku xigeenkiisa kala hadlay xal u helista caqabadaha soo wajaha waddo marista iyo ka hortagga shilalka gaadiidka si kor loogu qaado badqabka Shacabka iyo Nabad-gelyada wadooyinka.

Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi ayaa saraakiisha Taraafikada faray in si wanaagsan loola dhaqmo shacabka

Waxaa uu kula dardaarmay inay xoojiyaan shaqada ay hayaan oo muhiimad gaar ah u leh Ciidanka Boliiska iyo guud ahaan Dalka.

Ciidamada Taraafikada Wadooyinka qeybtood oo fursad u helay Tababaro kor loogu qaadayo aqoontooda ayaa laga howlgeliyey wadooyinka muhiimka u ah Caasimadda

Waxaa loo carbiyey in shacabka u fududeeyaan wadooyinka loo adeegsado isu socodka dadka iyo gaadiidkaba waxayna arintanu ku soo aadeysaa xili uu sii kordhayo jaamka faraha badan ee ka jira jidadka ciriiriga ah ee  Muqdisho

Related posts

Wafdigii uu horkacayey Raisul Wasaaraha Somalia oo gaaray Nairobi (Sawirro)

Caydiid Ali

Filim laga sameeyay weerar Al Shabaab ka geesteen Mandera oo abaalmarin caalami ah u tartamaya

Cabdi Cade

Markab dagaal uu leeyahay dal Muslim ah oo ku xirtay deked ku taalla Israel (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---