Dukumiintiyo sirdoon oo laga helay xarunta dhexe ee hay’adda sirdoonka Suuriya, kaddib markii la riday Bashaar Al-assad ayaa lagu arkay in nidaamka Assad ay xukun dil ah ku fuliyeen 94 xubnood oo ka tirsan ururka Xamaas
Xubnahan ayaan la hor keenin wax maxkamadda, waxaana dukumiintiyada ku cad in xukunkaa la marsiiyo qof kasta oo la caddeeyo inuu xiriirka la leeyahay ururka Xamaas, sida ay baahisay shabakada wararka Falastiin ee Al Quds News.
Arrintan ayaa dad badan ku noqotay yaab iyo fajac , iyadoo horeu loo ogaa in Xukuumada Asad ay si weyn uga soo horjeeday maamulka Israel ee gumaadka ka wada Gaza iyo guud ahaan dhulka Fasalstiin.
Dhinaca kale Xamaas ayaa lagu warramaya inuu ansixiyay liiska 34 maxbuus oo ay sii deyn doonaan wajiga koowaad ee heshiis la filayo dhawaan in lagu gaaro Dooxa, balse Xamaas ma aysan caddeyn maxaabiistan tirada nool iyo haddii ay ku jiraan meydad ay wareejinayaan
Sidoo kale waxaa wali jira inan la dhammeystirin tirada Falastiiniyiinta ay ku beddelanayso maxaabiista ay sii deynayso Xamaas, kuwaasoo la sheegay inay da’dooda ka yartahay 50 jir, sida ay ku warrameen shabakada Axios iyo wargyska Walla.