Allbanaadir.com
NEWS

Muwaadiniin Shiinees ah oo lagu qabtay dahab badan iyo lacag caddaan ah xilli ay…

Ciidamada ammaanka ee Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Kongo, ayaa gacanta ku dhigay saddex nin oo u dhashay dalka Shiinaha, kuwaa oo xilliga la qabanayay la sheegay in ay wateen lacag caddaan ah iyo dahab badan oo sharcidarro ah.

Muwaadiniintan Shiineeska ah ayaa xlliga la qabanayay watay dahab ah iyo lacag caddaan ah oo gaaraysa 650,000 oo doolar, waxa ayna lacagta iyo dahabka ay wateen ku qariyeen gaari ay la socdeen qeybtiisa hoose, sida ay shaaciyeen laamaha ammaanka.

Guddoomiyaha gobolka Kivu ee Koonfurta Jamhuuriyadda Dimuquraadiga ee Kongo, ayaa sheegay in ciidamada ammaanka heleen xogta muwaadiniinta Shiinaha u dhashay, waxa uuna xusay in ay socdaan baaritaanno ku aadan lacagtan lagu qabtay iyo dahabka ay wateen.

Waxa uu sheegay guddoomiyaha in howlgalkan uu daba socday mid kale oo iyana lagu qabtay muwaadiniin kale oo Shiinees ah oo ku mashquulsanaa qodista macdan madow oo sharcidarro ah, kuwaa oo la sheegay in si farsameysan loo sii daayay.

Dalka Koongo , gaar ahaan bariga dalkaasi ayaa la sheegay in ay ku jiraan kayd badan oo dahab, luul, iyo macdanada loo isticmaalo samaynta batteriga telefoonnada gacanta iyo sidoo kale baabuurta casriga ah ee korontada ku shaqeeya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

(Sawirro) Su’aalo la iska weydiinayo shilka uu ku dhintay Madaxweyne Ibrahim Raisi

Caydiid Ali

Donald Trump oo muddo kooban lagu xiray xabsiga weyn ee Fulton County

Caydiid Ali

Wasiir Sabriye oo shaaciyay xilliga la furayo Shirka dib u heshiisiinta Galmudug (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---