Allbanaadir.com
NEWS

Ciidamo xoojinaya amniga Caasimadda Muqdisho oo la diyaarinayo (Sawirro)

Ciidamo cusub oo kamid noqonaya booliiska Soomaaliya, ayaa tababar waxa uu uga socdaa xerada ciidanka Birmadka ee boliiska Soomaaliya oo kutaalla magaalada Muqdisho, waxaana ciidankan loo diyaarinayaa xoojinta amniga caasimadda Muqdisho iyo guud ahaan dalka.

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi (Diyaano), ayaa kormeer ugu tagay ciidankan tababarka u socdo, waxa uuna warbixin ka dhageestay saraakiisha ciidankan hoggaamisa iyo kuwa tababarka siinaya.

Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi (Diyaano) ayaa sheegay in ciidamadan cusub ee tababarka u socdo ay qeyb ka noqonayaan xoojinta amniga dalka ,isagoona kula dardaarmay in si wannagsan uga faa’ideystaan tababarka u socda .

Dowladda Soomaaliya ayaa diyaarineysa ciidamo badan oo isugu jira booliis, milatari iyo nabbadsugid, kuwaa oo la doonayo in qeyb weyn ka noqdaan xaqiijinta amniga guud ee dalka, iyo sidii ay dagaal ula gali lahaayeen kooxda Al Shabaab.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Meydad hor leh oo laga helay keynta Shakahola iyo Wasiirka Amniga Kenya oo tagay

Cabdi Cade

Shacabka Muqdisho oo hal arin darteyd uga niyad jabay Gudoomiye Cumar Finish

Cabdi Cade

Ra’isul Wasaare Hambalyo u diray Wiil Xaflada dhalashadiisa lasoo xaadiri waayay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---