Allbanaadir.com
NEWS

Xamaas iyo Israa’il oo wadahadallo isku mari la’ iyo liiska maxaaniis ay Xamaas …

Isara’il iyo Xamaas ayaa Axaddii isku mari waayay wajiga koowaad ee heshiis xabbad joojin ah oo ka hirgala Gaza iyo sii deynta qaar ka mid ah Israa’iiliyiinta u afduubaan Xamas.

Sarkaal ka tirsan Xamaas ayaa Axaddii sheegay in kooxdu ay ansixisay sii deynta liis ka kooban 34 Isra’iiliyiin ah oo ka mid ah la heystayaasha, taas oo ay Xamaas ku baddalaneyso heshiis ugu danbeyntii ka hirgala Gaza.

Hase yeeshee, war kasoo baxay xafiiska ra’isulwasaaraha Isra’il Benjamin Netanyahu ayaa lagu sheegay, in Xamaas aysan soo gudbin liiska la heystayaasha.

Laakin goor danbe oo Axaddii shalay aheyd, ayay Xamaas nuqul ka mid ah magacyada liiska ay sii deyn rabto tusisay wakaaladda wararka ee Reuters, sida ay ku warrantay wakaaladdan.

Wadahadallada heshiiska xabbad joojinta labada dhinac ayaa maalmihi lasoo dhaafay dib uga billowday magaalada Doha ee dalka Qatar, si loo soo afjaro dagaalka 15-ka bil ka socda Gaza, waxana hadafku yahay in xalka kama danbeysta ah la gaaro ka hor 20-ka January markaas oo uu xafiiska Aqalka Cad ku soo laaban doono madaxweynaha dooran ee Mareykanka Donald Trump.

Related posts

Masar oo fursaddii ugu Dambeesay siisay Itoobiya iyo dagaal laga cabsi qabo

Cabdi Cade

Dad ka badan 70 qof oo ku dhintay Mashaqo ka dhacday dalka Ciraaq (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Madaxweyne Trump oo shaaciyay in uusan la hadleyn Xi Jinping iyo Sababta keentay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---