Madaxweynihii hore ee Somalia Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa ka hadlay howlgalka ka dhanka ah kooxda Daacish ee ay bilaabeen ciidamada dowlad goboleedka Puntland kaasoo ka socda degaano ka tirsan gobolka Bari oo ay saldhigyo ku leeyihiin kooxdaas
“Howlgalka geesinimada leh ee ciidamada ammaanka Puntland ay ku qaadeen argagixisada waa tallaabo muhiim ah oo xoojinaysa halganka guud ee lagaga sifeynayo dalka argagixisada gumaadka ku haya dadkeenna, kana soo horjeeda horumarka dalkeenna” ayaa lagu yiri qoraal oo soo saaray Farmaajo oo sidan hoose u qornaa:-