Allbanaadir.com
NEWS

Daawo Sawiro: Qabow dad badan dilay oo ka socda qeybo ka mid ah Canada iyo Maraykanka

Xeebaha Waqooyiga America ayaa waxaa ka dhacaya qabow aad u daran. Waxaana wadamada Canada iyo Maraykanka la saadaalinayaa inuu qabowga ka sii dari doono.

Dalka Canada kumanaan qof oo deggan deegaanka Nova Scotia ayaa waxaa ku dhuftay dabaylo baabi’iyay korontada.

Cimiladan xoogan ayaa ilaa hadda galaafatay nolosha 19 qof oo dalka Maraykanka ah iyo labo qof oo Canada ku dhintay.

Qabowga iyo barafka dhacaya ayaa waxa uu sababay ciriiri ku yimid wadooyinka baabuurta oo shilna keenay.

Gobolada sida weyn ay cimiladan qabow u saamaysay waxaa ka mid ah Waqooyiga iyo Koonfurta Caroline, Wisconsin, Kentuck iyo Taxes.

Maalinkii Jimcaha ahayd ayaa waxaa la hakiyay 1200 oo duulimaad oo cimilada darted loo baajiyay.

Meelaha sida weyn looga cabsi qabo waxaa ka mid ah New Hampshire oo cimilada uga daran laga soo warinayo, Deegaanada Atlantic iyo bartamaha dalka Canada ayaa iyaguna waxaa ka dhacay dabaylo xoogan

Gobolka Nova Scotia dad gaaraya 125 kun oo qof ayaa koronto la’aan ay qabsatay ka dib markii ay dabaylahani saameeyeen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Xaaf oo shaaciyay Magacyada Senataro iyo Wasiiro faro galin ku haya (Akhriso)

Cabdi Cade

Gabar 12-sanno jir ah oo dishay Walaalkeed iyo Booliiska oo baaritaan wada

Cabdi Cade

Aas Qaran oo Muqdisho loogu sameeyay Gudoomiyihii Gobolka Banaadir (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---