Hawlgalkan oo ay wadajir isaga kaashadeen Ciidanka Qaranka Soomaaliya iyo Ciidamada Cirka ee Mareykanka ayaa ka dhacay deegaanka Beerxaani oo qiyaastii 35 KM waqooyi galbeed ka xiga magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.
Hawlagalkan ayaa lagu burburiyay koox ka tirsan al shabaab oo isoo abaabushay, isla markaana damacsanaa inay soo qaadaan weerar qorsheysan, waxaana laga hortagey waxyeeladii ay doonayeen inay geystaan, xogta khasaaraha horudhaca ah ee gaaray kooxda, inta la xaqiijiyay ayaa gaaraysa ilaa 10 dhimasho ah, mana jirin wax khasaare ah oo soo gaaray rayidka sida lagyu sheegay war saxaafadeed ka soo baxay DF oo sidan hoose u qornaa.