Allbanaadir.com
NEWS

Ra’isul Wasaare Xamse Barre oo xilka u kala wareejiyay labo wasiir (Sawirro)

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa si rasmi ah xilalka ugu kala wareejiyey Wasiirrada Wasaaradaha Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada iyo Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa tilmaamay in Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada ay kaalin muhiim ka qaadanayso dedaalka adduunyadu ugu jirto in xal waara loo helo saameynta isbeddelka Cimilada iyo wax-ka qabashada iyo maareynta dhibaatooyinka deegaanka, halka dhinaca kale Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka uu sheegay inay fure u tahay ilaalinta xuquuqda bulshada Soomaaliyeed, gaar ahaan haweenka iyo carruurta.

Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa hoosta ka xarriiqay baahida loo qabo wada-shaqeyn dhow oo dhex marta wasaaradaha, si loo xaqiijiyo ujeeddooyinka Xukuumadda ee ku saleysan horumarinta deegaanka, isbeddelka cimilada, kobcinta xuquuqda aadanaha, iyo taageerada bulshada nugul.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa labada Wasiir uga mahadceliyey shaqadii muhiimka ahayd ee ay soo qabteen, wuxuunna kula dardaamay inay shacabka Soomaaliyeed ugu adeegaan si hufan.

Related posts

Gudoonka Aqalka sare ee Somalia fariin muhiim ah diray Senatarada Golaha (Akhriso)

Caydiid Ali

Xaalad adag oo soo wajahday doorashada Madaxweynaha & Farmaajo oo diyaarsaday..

Caydiid Ali

Hay’adda NISA oo sheegtay iney qabatay Sarkaal halis ah oo ka tirsan Al-shabaab

Caydiid Ali
Taboola Ads ---