Waxaa saakay qabuuro kuyaalla magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan lagu aasay , askartii katirsaneyd ciidanka xoogga dalka Soomaaliya, kuwaa oo qaab foolxun oo aano qabiil ah loogu dilay deegaanka Ceelbaraf ee gobolka Shabeelaha Dhaxe.
Meydadka askarta ayaa waxaa salaada janaasada lagula dukaday magaalada Baladweyne, waxaana salaada janaasada qeyb ka ahaa wasiirro katirsan Xukuumadda Soomaaliya, xildhibaanno, taliyaha ciidanka xoogga dalka iyo odayaal dhaqmeed kala duwan.
Salaada janaasada markii lagu dukaday meydadka askarta katirsanaa ciidanka xoogag dalka ayaa lagu aasay qabuuro kuyaalla magaalada Baladweyne, waxaana aaska ka qeyb galay dadweyne kala duwan iyo ciidamo saaxiib la ahaa askarta la laayay.
Odayaasha dhaqanka beesha Xawaadle ayaa shalay aqbalay in la aaso meydaka askrta la dilay lagana heshiiyo dhibkii dhacay, waxaana xal u raadinta xiisada ka dhalatay dilka askartan dedaal badan ku nixiyay wasiirro, xildhibaanno, taliyaha ciidanka NISA iyo odayaal dhaqmeedyo kala duwan.
Maleeshiyaad hubeysan oo kasoo jeeda beesha Abgaal , ayaa deegaanka Ceelbaraf ku dilay lix asari oo katirsanaa ciidanka xoogag dalka, kuwaa oo qabiil ahaan kasoo jeeday beesha Xawaadle, waxaana askartaasi loo dilay aano qabiil.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com