Allbanaadir.com
NEWS

Cudur u eg Covid-19 oo ka dilaacay Shiinaha iyo Dunidda oo isha ku heysa

Dalka Shiinaha waxaa ka dilaacay xanuun cusub oo soo ritay dad aad u badan , waxaana isbitaalada kuyaalla dalkaasi buux dhaafiyay dad badan uu soo ritay kana cabanaya fayruska HMPV oo waxyeeleya neef-mareenka .

Xanuunkan cusub ee ka dilaacay dalka Shiinaha dad badana u jiifaan isbitaalada, ayaa la sheegay in uu leeyahay  astaamo hargab oo la mid ah xanuunkii Covid-19, oo horey uga soo bilowday dalka Shiinaha kuna faafay dunidda oo dhan .

Waddamada caalamka qaarkood ayaa hadda bilaabay  in ay si dhow ula socdaan xaaladda dalka Shiinaha oo laga muujinayo walaac xooggan oo dhanka caafimaadka iyo mar kale oo Shiinaha fayris ka imaanaya uu dunidda saameyn ku yeelan karo.

Cudurka Covid-19 ayaa saameyn badan ku yeeshay dunidda sanado kahor, waxaana cudurkaasi u dhintay dad aad u badan oo daafaha dunidda ku kala sugnaa, waxa uu sidoo kale cudurkaasi oo si fudud ku faafay dhaliyay saameyn dhaqaale oo aad u xooggan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ruushka oo Xil Muhiim ah u magacaabay Atoore Caan ah oo u dhashay Mareykanka

Cabdi Cade

Nin Toorey ku hubeesan oo dad badan ku laayay magaalo kutaalo Shiinaha

Cabdi Cade

Magaaladii uu kasoo bilowday Caronavirus oo xayiraada laga qaaday (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---