Allbanaadir.com
NEWS

Antony Blinken oo booqashadiisa ugu dambeysay ku tagaya saddex dal oo…

Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka Antony Blinken, oo dhawaan xafiiska banneenaya , ayaa maanta u bilaabatay booqashadiisa ugu dambeysay isaga oo matelaya dowladda Mareykanka uu ku tagayo dalal kuyaalla Qaaradaha Aasiya iyo Yurub.

Muddo xileedka dowladda uu katirsan yahay Antony Blinken, ayaa ku eg 20-ka bisha Janaayo, waxa uuna hadda ku jiraa waayihiisa ugu dambeeyay shaqada uu u hayay Mareykanka, waxa uuna safar shaqo maanta oo Axad uga bilaabatay dhowr dal uu socdaal ku tagayo.

Xoghaye Blinken ayaa tagaya dalalka Kuuriyada Koonfureed, Japan iyo Faransiiska, waxa uuna kulamo kala duwan lasoo qaadan doonaa madaxda dalalkaasi uu kala hadli doono xiriirka Mareykanka kala dhaxeeya iyo arrimo kale oo muhiim ah.

Dalalka uu tagayo  Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykabka Antony Blinken, ayaa kamid ah dalalka xiriirka dhaw kala dhaxeeyo dowladad Mareyakanka , Kuuriyada Koonfureed uu tagayo Blinken , waxaa hadda ka taagan qalalaase siyaasadeed oo ka dhashay xaaladii deg dega aheyd ee lagu dhawaaqay.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Soomaali taliye sare ka ahaa Kooxda Daacish oo lagu dilay weerar ka dhacay Siiriya

Caydiid Ali

Laftagareen oo bilaabay Boobka doorashada kuraasta K/Galbeed & digniin culus oo..

Caydiid Ali

Shirkadda Apple oo malaayiin Dollar lagu ganaaxay iyo dambiga lagu helay oo la shaaciyay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---