Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Ciidamada Amaanka oo fashiliyay qarax la doonayay in dhibaato lagu geesto (Sawirro)

Ciidamada booliiska Soomaaliya iyo kuwa Nabad sugida ayaa ku guuleestay in ay fashiliyaan qarax miino oo lagu aasay qeybo kamid ah degmada Hiliwaa ee gobolka Banaadir.

War kasoo baxay Hay’ada nabad sugida iyo sirdoonka Qaranka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in shacabka Hiliwaa gacan ka geesteen fashilinta qaraxan miino ee la doonayay in dhibaato lagu geesto.

“Wada shaqayn dhaxmartay ciidamada Police-ka, NISA iyo shacabka degmada Heliwaa ayaa lagu fashiliyay miino ay argagixisadu galiyeen dhulka si ay shacabka Soomaaliyeed ugu dhibaateeyaan.Wada shaqaynta shacabka iyo laamaha amniga ayaa dhabarjab ku noqonaya Al Shabaab” ayaa lagu yiri qoraalka NISA.

Degmada Hiliwaa qeybo kamid ah ayaa inta badan waxaa ka dhaca qaraxyo miino oo lala beegsado ciidamada nabad ilaalinta AMISOM iyo ciidamada dowlada ee ka howlgala degmadaasi.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Guudlaawe oo magacaabay Guddi heer Wasiir ah iyo waxa ay qabanayaan oo la shaaciyay

Cabdi Cade

Rajo sare oo laga qabo in la helo talaal looga hortago Coronavirus (COVID-19)

Caydiid Ali

Iran oo qiratay in ay soo riday Diyaaradii Ukrine iyo talaabo laga qaadi doono cidii ka dambeesay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---